Gaari Dagaal oo Ciidanka Kenya looga Gubay Deegaanka Libooye iy Weerar Ka Dhacay Kulbiyoow.

Monday May 08, 2017 - 19:24:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gaari Dagaal oo Ciidanka Kenya looga Gubay Deegaanka Libooye iy Weerar Ka Dhacay Kulbiyoow.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca cirifka fog ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca cirifka fog ee dalka Soomaaliya.

 Wararka ka imaanaya deegaanka Kulbiyoow ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo xooggan ay ka dhaceen gudaha deegaanka, boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha ugaleen Kulbiyoow.

Wariye ku sugan Gobollada Jubbooyinka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka kadib markii ay isaga baxeen maleeshiyaad dabadhilifyo ah oo katirsan maamulka Axmed Madoobe.


Ciidanka Kenya oo saldhig melleteri ku leh meel 2 KM ujirta Kulbiyoow ayaan wax gurmad ah usoo sameyn maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ee lagu weeraray Kulbiyoow.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa ciidanka Kenya lagula beegsaday deegaanka Libooye ee dhulka Somalida NFD.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in gaari dagaal ciidanka Melleteriga looga dilay qaraxa oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Gaarisa.



 Sawir lagu faafiyay warbaahinta Kenya ayaa muujinaya gaari dagaal oo ku burburay qaraxa waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan askartii gaariga la socotay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items