Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Saraakiil lagu Dilay oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Monday May 08, 2017 - 19:45:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Saraakiil lagu Dilay oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

    War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax Ka Dhacay Muqdisho
War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxa oo ka dhacay wadada Makka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka xarunta hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ay ku beegsatay saraakiil katirsan Nabad sugidd,Melleteriga iyo hay’adda socdaalka.

Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijisay in saraakiisha lagu dilay weerarkii maanta ay kamid yihiin Jeneraallo ciidan oo xilal ka haayay melleteriga iyo Nabad sugidda.


Warar madax banaan waxay sheegayaan in saraakiisha qaraxii maanta  ku dhimatay uu kamid ahaa Jeneraal Cabdi Bashiir Aadan oo kamid ah taliyaasha ciidanka Melleteriga, sidoo kale waxaa qaraxa lagu dilay Jeneraal sare oo katirsan Hay'adda Nabad sugidda Dowladda Federaalka.

Sidoo kale xarakada Al Shabaab waxay xaqiijisay in dhimashada ka dhalatay qaraxii maanta ay gaartay 10  halka dhaawacu uu sii caga cagaynayo 17.

  Hoos Ka Akhri dhimashada iyo dhaawac saraakiisha magacyadooda la helay.

1-Cabdi Bashir Aadan oo Roha ku magac dheeraa/dhimasho  wuxuu ahaa taliyaha ciidanka Gobolka Hiiraan

2-Gaashaanlle Cabdi Makakaan/dhimasho wuxuu katirsanaa waaxda socdaalka

3-Faysal Caraale Madaxa hay'adaha Q.Midoobe ee ka howlgala gobolka Hiiraan/dhaawac

4-Eng.Ismaaciil wuxuu katirsanaa waaxda socdaalka/ dhaawac Halis ah

5-Jamaal Madaxa dhaqan celinta waxa ay ugu yeeraan dadka alshabaab ka goosta ee gobolka Hiiraan/ Dhimasho

Waa qaraxii 2-aad oo Xarakada Al Shabaab ay sheegato mas’uuliyaddiisa, qarax saaka ka dhacay deegaanka Kabtanlaas ee gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay 4 sarkaal oo uu kamid ahaa taliyihii ciidanka deegaanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items