Faah Faahin: Dhimashada Dagaalkii Goofguduud oo 17 Askari Gaartay iyo Al Shabaab oo Gaadiid Dagaal iyo Saanado Hub Ah Qabsaday.

Tuesday May 09, 2017 - 10:23:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Dhimashada Dagaalkii Goofguduud oo 17 Askari Gaartay iyo Al Shabaab oo Gaadiid Dagaal iyo Saanado Hub Ah Qabsaday.

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Goofguduud Shabeelloow oo katirsan gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Goofguduud Shabeelloow oo katirsan gobolka Baay.

Wararka ka imaanya Goof-guduud ayaa sheegaya in dagaal culus oo maanta barqadii ka dhacay wadada xiriirisa Baydhabo iyo Goofguduud uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil Katirsan Al Shabaab ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay dagaalka ku qabsadeen 2 gaari oo Tikniko ah islamarkaana ay gubeen gaari kale.


Gaadiidka ugacan galay ciidamada Al Shabaab ayaa ah kuwa Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay ku xiranyihiin 2 qori  dhashiike ah, Meydad katirsan ciidamada Maamulka Shariif sakiin ayaa daadsan goobta dagaalka sida dadka deegaanka ay sheegeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in 17 Askari ay ciidamadoodu ku dileen dagaalkii Goofguduud islamarkaana ay qaniimeysteen gaadiid Dagaal.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Xarakada SHM ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen 2 baabuur iyo saanado hub ah islamarkaana ay qarax miino ku gubeen gaari dagaal.

Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in qaraxa lala helay gaariga Tiknikada ah ay ku dhinteen 17 Askari islamarkaana aysan jirin wax ka badbaaday gaariga gubtay oo dhammaan ciidankii saarnaa ladilay hubkii ay wateena gacanta lagu dhigay.

Dagaal culus oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha Goofguduud ayaa la xaqiijiyay in hal askari lagu dilay balse maanta barqadii ayay weerar rogaal celis ah soo qaadeen ciidamada maamulka Shariif Sakiin wuxuuna weerarkaas uu dhaliyay in Al Shabaab ay qabsadaan gaadiid Tikniko ah iyo saanado hub ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidka ugacan galay  Ciidamada Al Shabaab ay sanaddii 2016  dowladda Imaaraatka Carabta ugu deeqday maamulka Itoobiya taabacsan ee kajira magaalada Baydhabo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items