Xoogag Islaami Ah oo Sheegtay Mas'uuliyadda Weerar Ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Maali.

Tuesday May 09, 2017 - 10:14:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Islaami Ah oo Sheegtay Mas'uuliyadda Weerar Ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Maali.

    Mid Kamida Jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka dagaalanta Galbeedka qaaradda Afrika ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar khasaara badan dhaliyay oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay waqooyiga wadanka Maali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Kamida Jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka dagaalanta Galbeedka qaaradda Afrika ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar khasaara badan dhaliyay oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay waqooyiga wadanka Maali.

Bayaan kasoo baxay Jamaacada ugargaaridda islaamka iyo Muslimiinta ayay ku sheegtay in gaadiid dagaal ay ku gubtay weerar ballaaran oo maalintii Talaadada ka dhacay saldhig melleteri oo kuyaal degmada Al-Mustaraat.

Jamaacadan oo ku xiran Ururka Al Qaacidda ayaa xaqiijisay in 7 gaari oo nuuca dagaalka ah ay ciidanka Maali uga gubtay weerarka islamarkaan ay dishay askar farabadan.


Inta uusan weerarku ku bilaaban melleteriga Maali ayaa gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lala helay saldhigga ciidanka kadibna waxaa xigay weerar dhowr jiho ah oo xoogag Jihaadiga ah ku laayeen ciidamada dowladda.

Cabdi Kariim Koontaani wasiirka ganacsiga ahna Afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda Maali ayaa warbaahinta si hordhac ah ugu sheegay in 9 askari looga dilay weerarka 5 kalane dhaawacyo soo gaareen.

Degmada Al-Mustaraat oo ah goobta weerarku ka dhacay ayaa qiyaastii 140 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Ghawa, weerarada lagu dhiig bixinayo ciidamada Faransiiska iyo kuwa Midowga Afrika ayaa sare ukacay tan iyo markii ay Midnima buuxa gaareen jamaacaadka Jihaadiga Maali oo qaatay magaca " jamaacada Ugargaaridda islaamka iyo Muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items