Daawo: Maxkamad ku taalla dalka Indonesia Oo Xukun ku Ridday Duqii hore ee Magaalada Jakarta Kadib Markii uu Aflagaadeeyay diinta Islaamka.

Wednesday May 10, 2017 - 08:54:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Maxkamad ku taalla dalka Indonesia Oo Xukun ku Ridday Duqii hore ee Magaalada Jakarta Kadib Markii uu Aflagaadeeyay diinta Islaamka.

    Maxkamad ku taalla Dalka Indonensiya ayaa labo sano oo xarig ah ku xukuntay Duqii hore ee magaalada Caasimadda u ah dalkaasi ee Jakarta, kadib markii lagu helay inuu Aflagaado u geystay Diinta islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla Dalka Indonensiya ayaa labo sano oo xarig ah ku xukuntay Duqii hore ee magaalada Caasimadda u ah dalkaasi ee Jakarta, kadib markii lagu helay inuu Aflagaado u geystay Diinta islaamka.


Baasuuki Boornaamaa oo Asal ahaan kasoo jeeda dalka Shiinaha ayaa noqday Xaakimkii ugu horreeyay ee heysta Diinta Nasaarada ee qabta Xilka Duqa magaalada Jakarta ee Caasimadda dalka Indonensiya oo ah dalka ugu badan ee ay ku nool yihiin Muslimiinta adduunka ugu badan.

Guddomiyihii hore ee magaalada Jakarta ayaa bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay mar uu ka qeyb galayay tartanka ol-olaha doorashada ee Xilka Guddoomiyaha magaalada Caasimadda waxa uu hadallo meel ka ah ku tuuray Diinta islaamka, iyadoona arrintaas ay ka caroodeen Malaayiin Muslimiin ah oo ku nool Wadanka Indonensiya, kuwaas oo dhigay dibad baxyo waaweyn oo ay uga soo horjeedaan hadallada uu jeediyay Guddoomiyaha.



Dadweynaha dibadbaxyada dhigay ayaa waxay dalbadeen in xilka laga qaado Gudoomiyaha, islamarkaana Maxkamad lasoo taago, waxaana tiro dhowr jeer ah uu kasoo muuqday Maxkamadda, isagoo su;aallo laga weydiiyay hadalladii gefka ku ahaa Diinta islaamka ee uu jeediyay, hase yeeshee Maxkamadda ayaa waxay u ogolaatay inuu ka qeyb qaato tar-tanka doorashada ee Guddoomiyaha magaalada Jakarta, inkastoo markii dambe tar tankaas looga adkaaday.

Guddoomiyaha Maxkamadda magaalada Jakarta ayaa amray in Xabsiga laga dhigo Duqii hore ee magaalada Jakarta kadib markii lagu helay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxaana uu noqonayaa Mas'uulkii ugu horreeyay ee soo mara xilka Guddoomiyaha magaalada Jakarta oo xabsi lagu xukumo.

Hoos Ka Daawo Warbixinta oo Maqal iyo Muuqaal ah By Aljazeera

Related Items