Weerar Askar Lagu Dilay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Wednesday May 10, 2017 - 09:54:08 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsanaa maamulka Koonfur galbeed isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsanaa maamulka Koonfur galbeed isku magacaabay.



Weerar dhabagal ah oo maanta barqadii ka dhacay duleedka magaalada Xudur ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca 4 kale sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hortagay isku day ay maleeshiyaad xiriir laleh Xabashida Itoobiya ku doonayeen in ay boob iyo bililiqo uga geystaan deegaanka Aqab-beedeey oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Xudur.



Wararka ayaa intaas ku daraya in firxadka Maleeshiyaadka la weeraray ay dib ugu laabteen magaalada Xudur oo ay saldhig melleteri ku leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Waa maalintii 2-aad oo maleeshiyaadka maamulka Shariif Sakiin ay weeraro dhimasho iyo dhaawac dhaliyay kala kulmayaan ciidamada Mujaahidiinta, weerar shalay ka dhacay tuulada Goofguduud ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimashada 17 askari.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items