Weeraro Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baraawe Sh/hoose.

Wednesday May 10, 2017 - 12:07:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Weeraro Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baraawe Sh/hoose.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weeraro lagula beegsaday deegaano katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax AMISOM lagula eegtay Sh/hoose
Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weeraro lagula beegsaday deegaano katirsan Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baraawe ayaa sheegaya in qarax Miino oo lala helay kolonyo katirsan ciidamada AMISOM uu burburiyay gaari gaashaaman oo ay ciidamadu wateen.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in gaari Taaw ah ciidamada Uganda looga gubay deegaanka Maryan Gubaay oo u dhow magaalada Baraawe.

Ciidamada qaraxa lala helay ayaa kasoo amba baxay saldhigga deegaanka Ambareeso ee kaabiga ku haaya magaalada Baraawe waxayna kusii jeedeen dhanka Muqdisho.


Dhinaca kale weerar dhabagal ah ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM lagu qaaday xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Buula Mareer ee isla gobolka Sh/Hoose.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen weeraradii maanta ciidamada Uganda lagula beegsaday wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Baraawe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items