Donald Trump Oo Shaqada Ka Eryay James Comey Madaxii FBI-da Mareykanka.

Wednesday May 10, 2017 - 12:07:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Shaqada Ka Eryay James Comey Madaxii FBI-da Mareykanka.

    War kasoo baxay xafiiska Donald Trump hoggaamiyaha dalka Mareykanka ayaa xilkii uu haayay looga xayuubiyay James Comey oo ahaa madaxii hay'adda FBI.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay xafiiska Donald Trump hoggaamiyaha dalka Mareykanka ayaa xilkii uu haayay looga xayuubiyay James Comey oo ahaa madaxii hay'adda FBI.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in shaqa ka Eryidda James Comey ay ruxday siyaasadda arrimaha gudaha ee Aqalka Cad ee Mareykanka maadaama uu ahaa Nin saameyn ku leh amniga gudaha Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in shaqa ka fadhiisinta Comey ay qeyb ka tahay isbedelka dhanka maamulka ah ee uu lasoo ifbaxay madaxweynaha cusub.

Madaxii FBI-da oo muddo Afar sanadood ah xilkaan haayay ayaa madax u ahaa guddi heer qaran ah oo loo xilsaaray dabagalka eedaymaha ku aaddan in Donald Trump uu xiriir la sameeyay dowladda Ruushka xilligii ay socotay doorashadii madaxtinimada Mareykanka.


Sidoo kale James Comey ayaa ku eedaysnaa in uu sumcadda ka dilay Hillary Clinton maalmo yar ka hor intii aan doorashada madaxtinimada Mareykanka loo dareerin wuxuuna xilligaas shaaciyay in baaritaan lagu sameyn doono fadeexaddii Emallada Clinton waqtigii ay aheyd wasiiradda arrimaha dibadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items