Dowladda Mareykanka Oo Lacag 10 Milyan Ah Uballan Qaaday Ciddii soo Sheegta Halka uu Ku Suganyahay Sh.Maxamed Al Jowlaani.

Thursday May 11, 2017 - 11:36:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Lacag 10 Milyan Ah Uballan Qaaday Ciddii soo Sheegta Halka uu Ku Suganyahay Sh.Maxamed Al Jowlaani.

    Dowladda Mareykanka ayaa lacago Malaayiin dollar ah u ballan qaadda ciddii soo sheegta halka uu ku suganyahay Sheekh Muxamed Aljowlaani oo katirsan hoggaamiyaasha xoogaga Islaamiga Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa lacago Malaayiin dollar ah u ballan qaadda ciddii soo sheegta halka uu ku suganyahay Sheekh Muxamed Aljowlaani oo katirsan hoggaamiyaasha xoogaga Islaamiga Suuriya.



War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in abaal marin lacageed ladul dhigay hoggaamiye sare oo katirsan Xoogaga Islaamiga ah ee suuriya ka dagaallama.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in abaal marin lacageed oo dhanka 10 Milyan oo dollar ay siin doonto ciiddii soo sheegta macluumaad sax ah oo ku saabsan halka uu ku suganyahay Sheekh Abii Muxamed Al Jowlaani oo ah hoggaamiyaha Melleteriga Hay’adda Xureynta Shaam ee Suuriya ka dagaallanta.



Xukuumadda Washington ayaa aaminsan in Sheekh Abii Muxamed Aljowlaani uu wali ku xiranyahay Urur weynaha alqaacidda oo halis ku ah amniga qaranka Mareykanka.

Sanaddii 2016 ayay Jabhaddii AlNusrah ku dhawaaqday in ay isaga baxday Ururka alqaacidda wixii xilligaasi ka dambeeyay waxay midnimo buuxda lagaartay xoogag katirsan kacdoonka Suuriya balse Mareykanka ayaa arrinkaasi ku gacan sayray oo wali wada duqeymo uu ku dilayo hoggaamiyaasha kooxdaasi.

Waa lacagtii ugu badneed oo mareykanku dul dhigo Sheekh Abii Muxamed Al Jowlaani, illaa iyo hadda wax jawaab celin ah kamasoo bixin hay’adda Xureynta shaam ee uu katirsan yahay Jowlaani.

Dowladda Mareykanka ayaa ugaarsi xooggan ku heysa dhammaan hoggaamiyaasha jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka dagaallama caalamka islaamka.

Related Items