Dagaallo Culus oo Ka Socda Deegaanno Katirsan Gobolka Hiiraan.

Thursday May 11, 2017 - 11:53:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus oo Ka Socda Deegaanno Katirsan Gobolka Hiiraan.

    Dagaallo ay ka barbar socdaan qaraxyo ayaa maanta barqadii ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir Hore Ciidamo Itoobiyaan ah oo Hiiraan ku sugan
Dagaallo ay ka barbar socdaan qaraxyo ayaa maanta barqadii ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Beled Weyne iyo Buula Burte ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ku dhaxmareen Nuur Fanax iyo Garisyaani.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo kasoo amba baxay deegaanka Halgan kunasii jeeday Beled Weyne.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay madaafiicda goobta u adeegsanayaan dagaalka.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items