Xasan Cali Kheyre oo Soo Saaray Awaamir Lagu Sugayo Ammaanka Muqdisho.

Thursday May 11, 2017 - 18:11:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre oo Soo Saaray Awaamir Lagu Sugayo Ammaanka Muqdisho.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dowladda Federaalka markale sheegtay in ay xakameyn doonto dilalka iyo qaraxyada joogtada ka noqday gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dowladda Federaalka markale sheegtay in ay xakameyn doonto dilalka iyo qaraxyada joogtada ka noqday gobolka Banaadir.

Shir ay madaxtooyada Villa Somalia ku yeesheen golaha wasiirada DF-ka ayay ku sheegeen in go’aamo hor leh oo ammaanka ku saabsan soo saareen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in lamamnuucay in gaadiidka dagaalka lagu dhax wato magaalada islamarkaana madaxda DF-ka aan loo ogolayn in lagu ilaaliyo hub ka weyn qoriga AK47.

Sidoo kale warka kasoo baxay Xasan Cali Kheyre ayaa lagu amray ciidamada DF-ka in aysan xiran darees aan calaamad gaar ah laheyn waxaana la dhisay guddi ammaanka qaabilsan.


Marka si qota dheer loo  eego go’aanadan cusub ee lagu sugayo ammaanka Muqdisho waxaa muuqda in waxbadan aysan ka duwaneyn awaamir horay ay usoo saari jireen xukuumadihii hore.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items