Akhriso: Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyay Shirkii London iyo Warsaxaafadeedkii Lagasoo Saaray.

Thursday May 11, 2017 - 19:44:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyay Shirkii London iyo Warsaxaafadeedkii Lagasoo Saaray.

    Waxaa soo gaba gaboobay shirkii dowladaha Reergalbeedku soo qaban qaabiyeen ee shalay ka furmay magaalada London ee caasimadda wadanka Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay shirkii dowladaha Reergalbeedku soo qaban qaabiyeen ee shalay ka furmay magaalada London ee caasimadda wadanka Ingiriiska.

Shirkan oo looga hadlayay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan sii xoojinta duullaanka dowladaha shisheeye ay dalka kusoo qaadeen ayaa gaba gabadiisii warsaxaafadeed lagasoo saaray.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka Jeediyay shirka ayaa ka codsaday Q.Midoobe in cuna qabateynta hubka ay ka qaado dalka Soomaaliya.

Farmaajo oo hadlayay ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in ciidamadiisu ay ka adkaadaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta inta cunaqabateyntu saarantahay dalka.


Wuxuu sheegay in hubka ay ku dagaallamaan ciidamada Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaadka DF-ka uu isku dhigmo sida qoriga AK47-ka ah wuxuuna codsaday in maleeshiyaadka maamulkiisa hub casri ah lasiiyo.

R/wasaaraha Itoobiya oo shirka Khudbad Ka Jeediyay ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab aan wali laga adkaan islamarkaana xarakadu awooddo fulinta weeraro hor leh.

Hailamaram Desalegn ayaa isagoo si toos ah khudbad ujeedinaya wuxuu soo hadal qaadayd dagaal culus oo xilligaas ciidanka Itoobiya ku qabsaday duleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dagaalka Soomaaliya sii daba dheeraanayo.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo isna Makarafoonka lagusoo dhaweeyay ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta soomaalida dabadhilifyada ah oo uu sheegay in aysan aheyn wadaniyiin.

Museveni ayaa muujiyay in xilligan ay adagtahay nabad ay ciidamada shisheeye Soomaaliya ka dhaliyaan wuxuuna dhaliilay Ururka Midowga Yurub oo uu ku eedeeyay in sidii larabay uusan umaalgelin Howlgalka [AMISOM].

Dowladaha Turkiga,Mareykanka,Imaaraatka Carabta iyo ingiriiska ayaa ballan qaaday in ay tababarayaan ciidamo gaaraya 18-kun oo ay yeelato dowladda Federaalka kuwaasi oo isku dayaya in ay la wareegaan ammaanka magaalooyinka qaar.

Dhammaan madaxdii reer galbeedka ee khudbadaha ka jeediyay shirka London ayaa ku dardaarmayay in sare loo qaado mashruuca ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada oo ah mashruuc burbur iyo halaag uun sababaya waana mashruuc shisheeyaha dan u ah halka siyaasiyiinta DF-ka ay u madax raaricinayeen.

Waa shirkii 3-aad oo DF-ka loogu qabto magaalada London shirarkii hore wax sidaas uweyn kamasoo bixin waxaana loo badinayaa in shirkaan uu qaadi doono dhibihii shirarkii ka horreeyay.

Marka layskusoo xooriyo shirka London ayaa umuuqday mid hiillo iyo isgarab taag siyaasadeed loogu muujiyay dowladda Federaalka mana jirin wax ballan qaad lacageed ah oo loo sameeyay DF-ka.

Reergalbeedka ayaa walaac ka muujinayay isbedelka ammaan ee dalka ka dhici doona marka ay ciidamada AMISOM bilaabaan dib ugurashada horraanta sanadda 2018.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items