Maamulka Somaliland oo Sheegay in Dowladda Itoobiya Ay Saami Lacageed ku Leedahay Dekadda Berbera!.

Thursday May 11, 2017 - 20:22:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Somaliland oo Sheegay in Dowladda Itoobiya Ay Saami Lacageed ku Leedahay Dekadda Berbera!.

    Munaasabad ka dhacday gudaha dekadda magaalada Berbera ayaa si rasmi ah dekadda caalamiga magaaladaasi loogu wareejiyay dowladda Imaaraatka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad ka dhacday gudaha dekadda magaalada Berbera ayaa si rasmi ah dekadda caalamiga magaaladaasi loogu wareejiyay dowladda Imaaraatka Carabta.



Axmed Siilaanyo oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa maamulka shirkadda DP ee laga leeyahay Imaaraatka carabta si rasmi ah ugu wareejiyay dekadda Berbera.

Heshiiska ayaa dhigaya in maamulka ‘Somaliland’ lasiiyo lacag dhan 440 Milyan oo dollar islamarkaana shirkaddaas ay gacanta ku heyso dekadda muddo 30 sana ah.



Munaasabad gaaban oo ka dhacday gudaha Berbera ayay shirkadda DP si buuxda ula wareegtay marsadan caalamiga ah oo halbowlle u ah ganacsiga deegaanada dhaca waqooyi Galbeed Soomaaliya illaa iyo dhulka somaligalbeed ee Itoobiya gumeysato.

Dhinaca kale maamulka ‘Somaliland’ ayaa xaqiijiyay in saami lacageed ay dowladda Itoobiya bil walba ka qaadan doonto marsada caalamiga Berbera.

Cumar Shuceyb oo ah wasiirka ganacsiga maamulka ‘Somaliland’ ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Itoobiya ay saami wanaagsan ku leedahay dekadda arrinkaasi oo muujinaya heerka ay gaarsiisantahay dabadhilifnimada maamulka Axmed Siilaanyo.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa horay ula wareegtay dekadda Boosaaso waxayna qorshaynaysaa in ay la wareegto dekadda caalamiga magaalada Kismaayo, sidaas ayay Soomaaliya ku wajahaysaa duullaan dhaqaale iyo mid melleteri.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items