Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah Ku Dilay Deegaan Katirsan Gobolka Hiiraan.

Saturday May 13, 2017 - 08:41:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah Ku Dilay Deegaan Katirsan Gobolka Hiiraan.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq ay ciidamada Xabashida Itoobiya shalay ka geysteen deegaano katirsan gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq ay ciidamada Xabashida Itoobiya shalay ka geysteen deegaano katirsan gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.



Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku marayay wadada xiriirisa deegaanka Halgan iyo Magaalada Beled Weyne ayaa lagusoo warramayaa in ay dad shacab ah si bareer ah ugu dileen wadada laamiga hareeraheeda.

Wararka ka imaanaya deegaanka Beera xaano  ee duleedka  Halgan waxay sheegayaan in ciidamada Xabashida  Itoobiya deegaankaasi ka geysteen Xasuuq aan kala sooc laheyn.



Ciidamada Xabashida ayaa deegaankaasi ku dilay Oday Waayeel ah oo da’diisu ay tahay 85 sana jir waxeyna sidoo kale Xabashidu dileen wiil dhalin yaro ah oo uu aabe u ahaa Odayga ay dileen.

Aabaha waayeelka ah ee ay sida arxan darada ah u dileen ciidamada Amxaarada ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xaashi Tuure, waxeyna ku kordileen siriir uu jiifay.

Wiilka dhalinyaada ah ee Itoobiyaanku dileen ayaa ah Mid madaxa looga jiray sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa shalay gelinkii dambe qarax lagula beegsaday meel ku dhow deegaanka Baardheer oo dhaca duleedka magaalada Beled weyne, goob joogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Uuraal ah waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhammaan ciidankii la socday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items