Al Qaacidda oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ka Fulisay Koonfurta Wadanka Yemen.

Saturday May 13, 2017 - 10:27:28 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidda oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ka Fulisay Koonfurta Wadanka Yemen.

    Faafaahino Dheeraad Ah Ayaa Laga Helayaa Weeraro ay xoogaga Ansaaru Shareeca Ka Fuliyeen Gobalka Xadramowt ee Koonfurta Dalka Yemen, weeraradaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyey ciidamo katirsan xukuumadda dabadhilifka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faafaahino Dheeraad Ah Ayaa Laga Helayaa Weeraro ay xoogaga Ansaaru Shareeca Ka Fuliyeen Gobalka Xadramowt ee Koonfurta Dalka Yemen, weeraradaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyey ciidamo katirsan xukuumadda dabadhilifka ah.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in ciidamada Ansaaru Shareeca ay weerar Istish-haadi ah ku beegsadeen xero ciidan oo ciidanka Xukuumada dabadhilifka ah ee Yemen ay ku leeyihiin gobalka Xadramowt ee koonfurta dalka Yemen, iyadoona halkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tobaneeyo ka tirsan ciidanka Xukuumadda.

War rasmi ah oo ka soo baxay Ansaaru Shareeca ayaa lagu sheegay in halyeey istish-haadi ah oo ka tirsan Ansaaru Shareecah ay u suuragashay in uu camaliyad Istish-haadi ah ku beegsado xero ciidanka Xukuumada dabadhilifka ah ee Yemen ay ku leeyihiin Mandiqadda Dowcan ee gobalka Xadramowt, Islamarkaana khasaara ka dhashay, kuna burburiyey gaadiid dhowr ah.



"Camaliyad Istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa islamarkaana uu fuliyey Abuu Rabiic Al-Xadrami ayaa meel isku imaatin ah oo ka mid ah Xerada Bidah ee ku yaala mandiqadda Dawcan ee gobalka Xadramowt” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Mujaahidiinta Ansaaru Shariica.

Magaaladan ayaa qiyaas ahaantii 300 oo KM u jirta magaalada Al-Mukallah ee caasimada gobalka Xadramowt.

Saldhigga uu qaraxan ka dhacay waxaa daganaa ciidamada loo yaqaano "Quwaatu-Nukhbah” ee uu soo tababaray Imaaraatka ee sida tooska ah ugu lugta leh dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah.

Al Qaacidada Yemen ayaa ku hanjabtay in ay sare u qaadi doonto weerarada ka dhanka ah ciidamada isbahaysiga dowladaha Carbeed ee duullaanka ku jooga qeybo badan oo katirsan wadanka Yemen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items