Dhageyso: Culimaa'udiin iyo Aqoonyahano Shirkii London lameel dhigay Kulankii Soomaali lagu Kala Qeybsaday Ee 1884.

Saturday May 13, 2017 - 19:33:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Culimaa'udiin iyo Aqoonyahano Shirkii London lameel dhigay Kulankii Soomaali lagu Kala Qeybsaday Ee 1884.

    Culimaa'udiinka Soomaaliyeed ayaa digniino kasoo saaray shirkii shirqoolka ahaa ee dhowaan lagusoo gaba gabeeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska la sheegayna in qadiyad soomaaliyeed looga arrinsanayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo ayaa gacan qaaday wasiirka difaaca Mareykanka oo ah isku wadan yihiin!
Culimaa'udiinka Soomaaliyeed ayaa digniino kasoo saaray shirkii shirqoolka ahaa ee dhowaan lagusoo gaba gabeeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska la sheegayna in qadiyad soomaaliyeed looga arrinsanayay.



Sheekh Cumar Xayaakallaah oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaalida ayaa sheegay in shirkaa ay ka qeyb galeen 6 madaxweyne oo mid walba sheeganayo in uu maamulo Soomaaliya taasina ay tahay wax aan horay loo arag in hal wadan uu lix madaxweyne yeesho.

wuxuu yiri "Itoobiya waa dowlad Federaal ah waligee ma aysan kaxaynin mid kamida guddoomiyaasha goboladeeda maxay tahay sababta soomaaliya sidaa loo sameyn waaye waxbaa daaha hoostiisa ku qarsoon nimankaan dabadhilifyada ah waligoodba go’aan mayeelan”.



Culimaa’udiin iyo indheer garad ka qeyb galay barnaamij gaar ah oo ay idaacadda Alfurqaan ka qabatay shirkii London ayaa isku raacay in uu lamid yahay Shirkii Baarliin ee 1884 soomaaliya lagu kala qeybsaday.

Gumeystayaashii Reer Yurub ayaa dalka Soomaaliya ukala qeybiyay 5 gobol (Somaligalbeed,Somaalifaransa oo hadda Jabuuti ah, somali itaaliya oo ah koonfurta,somali Britain oo loola jeedo deegaanada somaliland iyo NFD oo ah dhulka somalida kenya gumeysato", dhammaan qeybahaas waxaa  qaatay oo gumeysi ayay ku jiraan  Faransiiska,Itoobiya iyo Kenya ayaa heysta  marka laga reebo Koonfurta dalka oo hadda 6 madaxweyne kajiraan waxaa sii dheer maamulka 'Somaliland' oo umuuqda mid soomaaliya inteeda kale laga gooyo marka loo eego in aan laga qeyb gelin shirarka dibada lagu qabto.

Waxgaradka iyo culimada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isbarbar taagaan haganka shisheeyaha ka dhanka ah ee dalka ka socda ayna iska diidaan natiijooyinkii kasoo baxay shirka London iyo kuwa lamidka ah.

Halkan ka dhageyso Baaqa culimada iyo waxgaradka MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items