Daawo Video: Roobab Daadad Wata oo Ka Da'ay Gobollada Sool iyo Nugaal Ee Dalka Soomaaliya.

Sunday May 14, 2017 - 10:05:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Roobab Daadad Wata oo Ka Da'ay Gobollada Sool iyo Nugaal Ee Dalka Soomaaliya.

    Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Roobabka Guga ay si rasmi ah uga curteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Roobabka Guga ay si rasmi ah uga curteen.


Gobollada Sool iyo Nugaal ayaa lagasoo sheegayaa in ay ka da’een Roobab daadad wata oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Wadada laamiga ah ee marta gobolka Sool ayaa la sheegay in biyaha xareedda ay burbur ugeysteen iyadoona waadiyada gobolkaasi caan ku yahay ay biya keeneen.

Gobolka Nugaal magaalada Qardho iyo duleedkeeda waxaa ka da’ay roobabkii ugu xooganaa muddo shan sanadood ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.



Gobolladan ay Roobabku ka da’een waxay ahaayeen meelaha ugu daran oo ay dhufatay abaartii saameynta ba’an reebtay ee Soomaaliya marka laga reebo gobollada Bay iyo Bakool.

Waxgarad ku sugan Gobolka Sool ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in abaartii ay dhammaatay islamarkaana xoolihii abaarta ka badbaaday ay helayaan daaqsin wanaagsan.

Hoos Ka Daawo Video muujinaya Roobab ka da'ay gobolka Sool


Related Items