Xildhibaan Cabdi Raxmaan "Ciidamada Itoobiya 20 Qof Shacab Ah Ayay Ku Xasuuqeen Deegaano Katirsan Gobolka Hiiraan" Dhageyso.

Sunday May 14, 2017 - 11:50:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cabdi Raxmaan "Ciidamada Itoobiya 20 Qof Shacab Ah Ayay Ku Xasuuqeen Deegaano Katirsan Gobolka Hiiraan" Dhageyso.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq ay ciidamada Xabashida Itoobiya ka geysteen deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq ay ciidamada Xabashida Itoobiya ka geysteen deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.



Warbaahinta oo soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 20 qof oo shacab ah ay ciidamada Itoobiyan ku dileen deegaanada Garasyaani iyo Burdaar oo ku teedsan wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Buula Burde iyo Beled Weyne.

Cabdi Raxmaan Max’med Guure oo kamid ah Xildhibaanada Maamulka isku magacaabay ‘Hirshabelle’ ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Itoobiyaanku dileen dad ka badan 20 qof kuwaasi oo ubadan xoola dhaqato aan waxba galabsan.



Xildhibaan Guure ayaa Itoobiyaanka ku eedeeyay in si ulakac ah ay dadka ugu laayeen tuulooyinka Burdaar iyo Garasyaani, wuxuuna DF-ka ugu baaqay in maleeshiyaad Soomaali ah ku biiriso ciidanka Itoobiya si ay dal aqoon ugu noqdaan!.

Dadka ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen gobolka Hiiraan waxaa kamid ah oday 80 sana Jir ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Xaashi Tuure iyo wiil uu dhalay oo madaxa looga jiro.

Ciidamada Sidaas u Xasuuqaya Shacabka Soomaaliyeed ayay madaxda DF-ka oo uu Farmaajo ugu horreeyo u arkaan Nabad ilaaliyaal walaalo ah!.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items