Ciidamada Al Shabaab oo Weerar Xooggan Markale Ku Qaaday Saldhigyada AMISOM Ee Magaalada Qoryooleey.

Sunday May 14, 2017 - 12:01:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo Weerar Xooggan Markale Ku Qaaday Saldhigyada AMISOM Ee Magaalada Qoryooleey.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen degmada Qoryooley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen degmada Qoryooley.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiintu ay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada AMISOM.

Daryanka rasaasta iyo madaafiic xooggan ayaa laga maqlayay gudaha degmada,goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa midkii ugu xooganaa ee abid ka dhaca Qoryooleey tan iyo markii ciidanka shisheeye qabsadeen magaaladaasi bishii Maarso ee 2014.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in gudaha Qoryooley lagula dagaalamay ciidamada dowladda Federaalka ,agagaarka isbitaalka degmada iyo xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa ahaa meelaha ugu daran ee dagaalladu ka dhaceen.

Ilo wareeydo ayaa sheegaya in gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada xarakada Al Shabaab ay kaalin muuqata ka qaadanayeen dagaalkii xalay.

Ciidamada shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda oo saldhig weyn ku leh agagaarka Buundada degmada Qoryooleey ayaa dagaalka ku biiray kadib markii dhowr jiho laga weeraray, lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalladii xalay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay muddo saacada ah gacanta ku hayeen magaalada kadib markii ay ka saareen dhinacyadii cadowga ahaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items