Afhayeenka Siilaanyo oo Xaqiijiyay in 19% Saamiga Dhaqaale ee Kasoo Xarooda Dekadda Berbera lasiiyay Dowladda Itoobiya!.

Sunday May 14, 2017 - 12:01:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Siilaanyo oo Xaqiijiyay in 19% Saamiga Dhaqaale ee Kasoo Xarooda Dekadda Berbera lasiiyay Dowladda Itoobiya!.

    Maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in dowladda Itoobiya ay saami dhaqaale ku leedahay Marsada caalamiga magaalada Berbera ee gobollada waqooyi Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in dowladda Itoobiya ay saami dhaqaale ku leedahay Marsada caalamiga magaalada Berbera ee gobollada waqooyi Galbeed.

Wasiirka ganacsiga maamulka Hargeysa ayaa Khamiistii lasoo dhaafay shaaciyay in saami lacageed dowladda Itoobiya lagasiiyay dekadda Berber balse warkaasi ma ahayn mid ay ku qancaan dadka caadiga ah illaa markii dambe Afhayeenka Siilaanyo uu arrinkaasi xaqiijiyo.

Deegaannada uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’ ayaa aad loo hadal hayay in 19% faa’iidada kasoo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya.

 

Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP WORLD si rasmi ah loogu wareejiyay dekadda islamarkaana loo ogolaaday in muddo 30 sanadood ah ay gurato dhaqaalaha dekadda kasoo xarooda.

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo ah Afhayeenka Siilaanyo ayaa Idaacadda Codka Mareykanka Ee VOA u sheegay in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay ‘Somaliland’ bixisay balse dowladda imaaraatka Carabta ay Itoobiya u garatay.



Wuxuu xaqiijiyay in Itoobiya tahay dowlad istiraatiiji ah sidaas daraadeedna ay mudantahay in saami dhaqaale lagasiiyo Marsada caalamiga Berbera!.

Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimaa’udiinka Magaalada Hargeysa ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid halis ah oo gumeysi hor leh gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items