Weerar Hubeysan oo Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo kuyaal Deegaanka Lafoole Ee Duleedka Muqdisho.

Monday May 15, 2017 - 10:20:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hubeysan oo Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo kuyaal Deegaanka Lafoole Ee Duleedka Muqdisho.

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ciidan ka tirsan Xarakada ayaa laxay fiidkii dagaal ku qaaday degmada Lafoole gaar ahaan halka loo yaqaano Shanta tiir oo ay fariisin ciidan ay ku leeyihiin maleeshiyaadka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ciidan ka tirsan Xarakada ayaa laxay fiidkii dagaal ku qaaday degmada Lafoole gaar ahaan halka loo yaqaano Shanta tiir oo ay fariisin ciidan ay ku leeyihiin maleeshiyaadka DF-ka.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo socday muddo  30 daqiiqa a waxaana Mujaahidiinta ay beegsanayeen goobo gaar ah oo ay soo sahansadeen oo ay ku hoydaan maleeshiyaadka xilliyada habeenkii ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaara hor dhac ah oo cadowga ku gaaray dagaalka in kastoo aan la hayn tiro rasmi ah oo maleeshiyaadka dhimasho iyo dhaawac kaga noqday dagaalladii xalay


Dadka deegaanka oo wax laga weydiiyay weerarkii xalay ee Lafoole ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaast culus ee labada dhinac ay is weydaarsanayeen,xaaladda deegaanka ayaa saaka deggan.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ay dagaallo ka dhacaan deegaanka Lafoole oo kaabiga ku haaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items