Dhageyso Wareysi Suldaan Garyare: Mareykanku Waa ina Ayo?

Monday May 15, 2017 - 12:00:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso Wareysi Suldaan Garyare: Mareykanku Waa ina Ayo?

    Dowladda Mareykanka waxay sheegataa in ay tahay dowladda ugu weyn caalamka dhanka dhaqaalaha,melleteriga iyo Tignoolojiyada casriga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'med Suldaan Garye wuxuu kamid yahay indheergaradka Soomaaliyeed
Dowladda Mareykanka waxay sheegataa in ay tahay dowladda ugu weyn caalamka dhanka dhaqaalaha,melleteriga iyo Tignoolojiyada casriga ah.

Mareykanku wuxuu ku amar ku taagleeyaa qeybo badan oo caalamka katirsan taariikhda casrigan wuxuu duullaan dad badan muslimiin ah lagu laayay ku qaadday wadamo katirsan caalamka islaamka sida Ciraaq,Afghanistan Yemen iyo Soomaaliya.

Max’med Suldaan Garyare oo kamid ah indheer garadka Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay taariikhda qaaradda America iyo dowladda Mareykanka wuxuuna banaanka soo dhigayaa xogaha qarsoon oo ku aaddan Taariikhda Mareykanka.


Xasuuqii ugu darnaa caalamka wuxuu ka dhacay wadanka Mareykanka waxaa la baabi’iyay malaayiin qof oo dadka Hindida ay kamid yihiin, sidoo kale gumeystayaashii Reer Yurub ayaa qudhoodu xasuuq ka geystay dalka Mareykanka.

Ustaad Garyare wuxuu carrab dhabay in dhammaan dagaalladii dowladdu mareykanku gashay ay ku guul darreystay wuxuuna tusaale wanaagsan usoo qaatay dagaalkii Washington ka gashay Afghanistan iyo Ciraaq oo wali aan dhammaan islamarkaana looga itaal roonaaday soo duulayaasha.

Halkan ka dhageyso Wareysi dhaxalgal ah oo uu Garyare uga warramayo waxa uu yahay Mareykanka MP3

Isha Maqalka: Radio Alfurqaan

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items