Ciidamada Uganda oo Kufsi iyo Gabood Fallo Ka Dhan Ah Haweenka ka Geystay Wadanka Afrikada Dhexe.

Monday May 15, 2017 - 15:32:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Uganda oo Kufsi iyo Gabood Fallo Ka Dhan Ah Haweenka ka Geystay Wadanka Afrikada Dhexe.

    Boqolaal katirsan ciidamada Dowladda Uganda ee ka qeyb qaatay duullaanka lagu qaaday wadanka Afrikada dhexe ayaa ku lug lahaaday falal kufsi iyo tacadiyo oo ka dhan ah muslimiinta wadankaasi ku dhaqan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal katirsan ciidamada Dowladda Uganda ee ka qeyb qaatay duullaanka lagu qaaday wadanka Afrikada dhexe ayaa ku lug lahaaday falal kufsi iyo tacadiyo oo ka dhan ah muslimiinta wadankaasi ku dhaqan.

Warbixin dhowr Page ka kooban oo ay soo saartay hay’adda udoodda ‘Xuquuqul insaanka’ Human Rights Watch ayay ku sheegtay in ciidanka Melleteriga Uganda ee loo diray Afrikada dhexe ay geysteen kufsi safmareen ah iyo tacadiyo ka dhan ah haweenka.

Qoraalka kasoo baxay Human Rights Watch ayaa lagu caddeeyay in 13 Haween ah ay kufsi kala kulmeen ciidamada Uganda, saraakiisha UPDF ayaa ugu hanjabay haweenka ay kufsadeen in ay dilayaan haddii ay sheegaan sidaas ayayna kiisaskan shaacintooda dib ugu dhacday.


HRW waxay sheegtay in dumarka la kufsaday qaarkood ay ahaayeen gabdho yaryar oo aan xilliga guurka gaarin, saraakiisha ciidanka Uganda ee hogaaminayay duullaankii Afrikada dhexe ayaa diiday in ay ka Jawaabaan kiisaskan kufsiga ah ee kusoo baxay askartooda.

Ciidamada Uganda ayaa horay dumar ugu kufsaday wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Koongada Dimuquraadiga ah, Yuweri Museveni madaxweynaha Uganda ayaa lagu eedeeyaa in uu ka ganacsado dhiigga askartiisa isagoo howlgallo ugu diray dalal ay dagaallo ka holcayaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items