Askari Dal Aqoon U Ahaa Ciidamada Itoobiya oo Lagu Dilay Deegaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan.

Monday May 15, 2017 - 15:49:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Dal Aqoon U Ahaa Ciidamada Itoobiya oo Lagu Dilay Deegaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan.

    Ugu yaraan Hal askari ayaa oo katirsan DF-ka ayaa dhintay kadib toogasho ka dhacday deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan Hal askari ayaa oo katirsan DF-ka ayaa dhintay kadib toogasho ka dhacday deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay xoogag hubeysan askari ku dileen gudaha deegaanka Halgan waxayna horay ugasii qaateen qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Goob Joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, Askariga Soomaaliga ah ee ladilay ayaa 2 isbuuc ka hor ciidamada gumeysiga Itoobiya kasoo raacay degmada Beled Weyne wuxuuna ahaa dabadhilif dal aqoon u ahaa cadawga Halgan qabsaday.


Waa weerarkii ugu horreeyay ee ka dhaca gudaha deegaanka Halgan 14 maalmood kadib markii ciidanka Xabashida Itoobiya ay deegaankaasi qabsadeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items