Weerar Ciidamo Kenyaan ah Lagu Dilay oo Ka Dhacay Degmada Mandheera.

Tuesday May 16, 2017 - 08:59:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Ciidamo Kenyaan ah Lagu Dilay oo Ka Dhacay Degmada Mandheera.

    Warar goordhow nagasoo gaaray magaalada Mandheera ee gobolka Soomaalida NFD ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan Booliska Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hore oo Mandheera ka dhacay
Warar goordhow nagasoo gaaray magaalada Mandheera ee gobolka Soomaalida NFD ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan Booliska Kenya.
Weerarka ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cumar Jilacoow oo kaabiga ku haayo magaalada Mandheera, wararka qaar waxay sheegayaan in sarkaal katirsan maamulka degmada lagu dilay weerarka.

Goob Joogayaal ku sugan Cumar  Jilacoow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sedax qof ladilay islamarkaana 2 askari oo katirsan ciidanka Booliska lala’yahay waxaana loo malaynayaa in ciidamadaas la qafaashay.


Kenya waxay sheegtay in xalay uu dhacay weerar xooggan oo ay uga shakisanyihiin in ay qaadeen dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab.

Warbaahinta Maxalliga Kenya ayaa faafisay in guddoomiyihii deegaanka Cumar Jilacoow lagu dilay weerarka iyadoona xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku aaddan weerarkii xalay ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items