30 qof Muslimiin ah oo Lagu dilay weeraro ka dhacay wadanka Afrikada dhexe.

Tuesday May 16, 2017 - 11:48:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    30 qof Muslimiin ah oo Lagu dilay weeraro ka dhacay wadanka Afrikada dhexe.

    Wararka ka imaanaya Afrikada dhexe ayaa sheegaya in tobanaan qof oo muslimiin ah lagu dilay weeraro ka dhacay magaalo kaabiga ku haysa xadka uu wadankaasi la wadaago Koongada Dimuquraadiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Afrikada dhexe ayaa sheegaya in tobanaan qof oo muslimiin ah lagu dilay weeraro ka dhacay magaalo kaabiga ku haysa xadka uu wadankaasi la wadaago Koongada Dimuquraadiga ah.

Mas'uuliyiin katirsan waxa loogu yeero Q.Midoobe iyo shaqaale gargaar ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof oo muslimiin ah lagu dilay weeraro kooxo masiixiyiin ah ka geysteen degmada Banjaaso.

"xaaladdu faraha ayay ka baxday dilal ayaa si aan kala sooc laheyn ay ufulinayaan maleeshiyaad hubeysan ayaa ka socda degmada Banjaaso ee xadka dhacda balse waxaan ku dadaalaynaa sidii aan dib ugu qabsan laheyn magaalada” sidaas waxaa yiri sarkaal katirsan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Afrikada dhexe.


Maleeshiyaad aad u hubeysan oo Nasaaro ah ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen goobo ganacsi iyo guryo ay deganaayeen dad muslimiin ah, wararka qaar ayaa sheegaya in carruur nolosha lagu gubay sida uu sheegay mid kamida shaqaalaha hay’adda bisha cas.

Degmada Banjaaso ee lagu dhibaataynayo muslimiinta waxaa sanadadii lasoo dhaafay ku sugnaa ciidamo Faransiis iyo Yugaandheys ah kuwaasi oo lagu helay in ay kufsi wadareed kula kaceen haween iyo carruur.

Ugu yaraan 13-kun oo ciidamo caalami ah ayaa ku sugan gudaha wadanka Afrikada dhexe waxaana ciidamadaasi majaraha uheysa dowladda Faransiiska, ciidanka Q.Midoobe ee ku sugan wadankaas ayaa lagu eedeeyaa in ay gacan siiyaan kooxaha maleeshiyaadka Masiixiyiinta ah ee lagu magacaabo anti balaaka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items