Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere Ee Gobolka Bay.

Tuesday May 16, 2017 - 13:48:08 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere Ee Gobolka Bay.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo saraakiil katirsan maamulka Shariif lagula beegsaday gudaha degmada Qansaxdheere.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo saraakiil katirsan maamulka Shariif lagula beegsaday gudaha degmada Qansaxdheere.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax maanta duhurkii ka dhacay isku imaatin ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof oo uu kamid yahay sarkaal sare.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay sedax xubnood oo katirsan maamulka Koonfur galbeed isku magacaabay, dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa kamid ah guddoomiyihii arrimaha Bulshada degmada Qansaxdheere Col. Saalax Duuraay.


Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay illaa iyo 5 qof oo ubadan ciidamo ilaala u ahaa saraakiisha la beegsaday, dhaawacyada ayaa loola cararay saldhigga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xabashida ay Hawada ka saareen isgaarsiinta Qansaxdheere daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay.

Inta badan degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga ku joogaan ciidamada AMISOM waxaa ka dhacaya qaraxyo iyo weeraro ka dhan ah cadowga Jinsiyadaha kala duwan leh ee Soomaaliya kusoo duulay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items