Video: Sheekh Cali Wajiis "Qur'aanka looma soo dajin in lagu bedelo Dastuurka dowladda iyo Nidaamkeeda ".

Tuesday May 16, 2017 - 20:51:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Sheekh Cali Wajiis "Qur'aanka looma soo dajin in lagu bedelo Dastuurka dowladda iyo Nidaamkeeda ".

    Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah waxa loogu yeero Hay'adda Culimada Soomaaliyeed oo ay hoggaanka u hayaan Saraakiil Katirsan Ururka Al Ictisaam ayaa dharaar cad sheegay in Qur'aanka Kariimka aan loosoo dajin in uu Noqdo Xukun laysku maamulo!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah waxa loogu yeero Hay'adda Culimada Soomaaliyeed oo ay hoggaanka u hayaan Saraakiil Katirsan Ururka Al Ictisaam ayaa dharaar cad sheegay in Qur'aanka Kariimka aan loosoo dajin in uu Noqdo Xukun laysku maamulo!.

Hoggaamiyaal katirsan Ururka Al-ictisaam oo uu kamid yahay Bashiir Axmed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda Dastuurka dowladda Federaalka kaasi oo looga arrinsan lahaa sidii Dastuurka hadda jira looga dhigi lahaa mid dhameystiran islamarkaana looga saari lahaa KMG-nimada.

 Cali Wajiis oo ku hadlayay magaca Hay'adda Culimada  ayaa madasha Kulanka ka sheegay in qur'aanka Kariimka aan loosoo dajin in lagu dhaqmo  isagoo si jees jeesleh u yiri  "Qur'aanka looma soo dajin in lagu bedelo Dastuurka dowladda iyo Nidaamkeeda ".


Wadaada Xumayaasha shareeca diidka ah oo garab iyo gaashaan u ah duullaanka AMISOM iyo Itoobiya kusoo qaadeen dalka Soomaaliya ayaa hadda ka gudbay boor isku qariskii ahaa "waxaan ka digaynaa Ghuluwiga iyo gaalaysiinta madaxda dowladda", hadda waxay isku bedeleen ashahaadda ladirir si aan leex leexad laheyn uga qeyb qaadanaya dastuur sameynta.

Islaamka ayaa ka ghaalib noqday dowlado waaweyn oo diimo baadil ah heystay sida Furus iyo Ruum waxaana magaalooyinkii iyo dhulalkii dowladahaasi ka talinayeen lagusoo rogay Nidaam islaami ah oo kitaabka alle uu ahaa dastuur.

Waxaa muuqata in wadaada xumayaasha uu alle ka qaaday cilmigii muddo sanada ah ay baranayeen,, waa duul sheydaan dhegaha uga kaadiyay oo dulli meel xun dhigay.

Hadalkan kasoo baxay Ururka Bashiir Axmed Salaad madaxda ka yahay wuxuu ka dhiganyahay in qur'aanka Kariimka uusan aheyn mid mudan in loo xukun tago waxayna culimada islaamka isku raacsanyihiin in ictiqaadkaasi yahay mid gaalnimo cad ah.

Qowlka Cali Wajiis wuxuu dhiiri gelinayaa in dalka oo dhan lagu maamulo Kitaabkii Kiblagaad islamarkaana aan shareecada islaamka laga hirgelin gayiga.

Allaah ayaa qur'aankiisa ku sheegay in kuwa wax ku xukuma wax aan kitaabka alle ka aheyn ay mutaysanayaan ciqaab adag ayna yihiin kuwa gaala ah.


Hoos Ka Daawo Hadalka Sheekh Cali Wajiis ama halkan ka degso



W/Q Warfaa Kheyrdoon Warsame
Email: [email protected] 

Related Items