Faah Faahin: Al Shabaab oo Sheegtay in Saraakiil Caddaan ah Ay Ku Dishay Qarax Ka Dhacay Degmada Wadajir.

Wednesday May 17, 2017 - 11:53:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab oo Sheegtay in Saraakiil Caddaan ah Ay Ku Dishay Qarax Ka Dhacay Degmada Wadajir.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay degmada Wadajir ee galbeedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax ka dhacay Degmada Shibis
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay degmada Wadajir ee galbeedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay walxaha qarxa oo si farsameysan loogu xiray gaari waxaa ku hoobtay saraakiil Miina baarayaal Caddaan iyo Soomaali isugu jira sida aan ku helnay xog dhameystiran.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sarkaal katirsan Xarakada SHM ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in gaari si xirfadaysan loogu xiray walxaha qarxa ay dhigeen degmada Wadajir kadibna si dhagar ah ciidamada Dowladda Federaalka loogu wargeliyay in gaari miinaysan uu goobta yaal.


Daqiiqado kadib waxaa gaariga baaritaano ku sameeyay saraakiil katirsan Miina Baarista DF-ka, markii ay dhan walba ka baareen gaariga oo ay ka waayeen walxaha qarxa ayay u yeereen saraakiil Caddaan ah oo kasoo amba baxay xerada Xalane.

 Intaas kadib Maxaa Dhacay?.

Saraakiisha Caddaanka ah oo ay la socdaan kuwa Soomaali ah ayaa gudaha ugalay gaariga oo walxaha qarxa si xirfaydaysan loogu xiray kadibna waxaa qabsaday qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Wadajir,Dharkeynleey iyo Hodon.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxa ay ku dishay saraakiil Caddaan iyo Soomaali ah islamarkaana ay ka gaartay hadafkii ay ka laheyd.

Warar hordhac ah waxay xaqiijinayaan in 5 sarkaal Miina baarayaal  ah ay ku dhinteen qaraxii maanta

Waa Markii ugu horraysay oo ay Shabaabul Mujaahidiin xeelad dhagaraysan oo nuucaan ah u adeegsato cadowgeeda waxaana muuqata in dagaalka dhanka amniga ah ee magaalada Muqdisho uu galay waji cusub oo halis ku ah saraakiisha DF-ka iyo kuwa shisheeye.

Mas'uuliyiin Katirsan Wasaaradda amniga iyo Sirdoonka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku hadaaqayay in magaalada caasimada ah amnigeeda sugayaan islamarkaana ay ka hortagayaan qaraxyada iyo dilalka waxaana muuqata in ballan qaadayadaasi ay noqdeen kuwa madhalays ah oo aysan waxba kasoo naasa caddaan.

Faah Faahin dheeri ah ayaan soo gudbin doonaa insha'allaah

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items