Al Bashiir "Wali Kama Zuulin in Aan u Sabrayno Masar inkasta oo ay Xoog Ku Qabsanayso Dhulkeena".

Wednesday May 17, 2017 - 19:49:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Bashiir "Wali Kama Zuulin in Aan u Sabrayno Masar inkasta oo ay Xoog Ku Qabsanayso Dhulkeena".

    Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Suudaan kaasi oo salka ku haaya murun xuduudeed lagu murunsanyahay iyo arrimo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Suudaan kaasi oo salka ku haaya murun xuduudeed lagu murunsanyahay iyo arrimo kale.

Cumar Xasan Albashiir Madaxweynaha Suudaan ayaa wareysi uu siiyay Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera wuxuu ku sheegay in dowladda Masar ay ku xadgudubtay maamulkiisa islamarkaana ay waddo falal cadaawadeed.

Al Bashiir ayaa carrab dhabay iyo warbaahinta Afka xukuumadda Alsiisi ku hadasha iyo warbaahinta kale ee sida gaarka ah loo leeyahay ay weerar dhanka afka ah ku qaadaan nidaamka Suudaan kajira.


isagoo hadlayay ayuu yiri "inkasta oo ay dhulkeena qabsanayso hadane wali waa usabraynaa Masar, illaa iyo haddana wax xun madhihin walaalaheena Masar”.

Ciidanka Melleteriga Masar ayaa bishii lasoo dhaafay qabsaday deegaan kulaala xuduud beenaadka ay labada dal wadaagaan.

Saxafiyiin ku sugan magaalooyinka Al-khurduum iyo Al-Qaahira ayaa sheegaya in sababta khilaafka dhalisay ay salka ku hayso isbahaysi goboleed  ka dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Dowladda Masar ay ka carootay iskusoo dhawaashiyaha Itoobiya iyo Suudaan ee ku aaddan arrimaha biya xireenka Al-Nahda iyo qeybsiga biyaha wabiga Niil.

Addis Ababa iyo Al-khurduum ayaa bishii April kala saxiiday heshiis dhigayay in ay kawada faa’iidaystaan biya xireenka Al-Nahda oo Itoobiya ay xarigga ka jari doonto bisha June,2017.

Masar ayaa si weyn udiidan biya xireenka ay Itoobiya ku leexinayso biyaha wabiga Niil, cilaaqaadka labada dowladood ayaa aad u xumaaday iyadoona R/wasaaraha Itoobiya uu Masar ku eedeeyay in ay hubeynayso jabhadaha Mucaaradka ee kacdoonka ka wada wadankaasi.

Liibaan jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items