Mid Kamida Shaqaalaha Dowladda Hoose Ee Kenya oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Waqooyi Bari.

Wednesday May 17, 2017 - 20:03:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Shaqaalaha Dowladda Hoose Ee Kenya oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Waqooyi Bari.

    Wararka ka imaanaya gobolka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay uu ka dhacay deegaan hoos yimaad magaalada Mandheera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay uu ka dhacay deegaan hoos yimaad magaalada Mandheera.
Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in qarax maanta ka dhacay deegaanka Ceel-waaq qeybta Kenya gumeysato uu haleelay gaari ay laheyd dowladda Hoose.

Ugu Yaraan hal gaari ayaa burburay waxaana ku dhintay mid kamida shaqaalaha dhismaha dowladda Hoose, warbaahinta Kenya ayaa faafisay sawir muujinayay gaariga oo gebi ahaantiisba burburay.

Qarax isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay isla gobolka Waqooyi Bari ayaa lagu burburiyay gaari maandooriyaha khaatka kasoo qaaday Kenya kunasii jeeday mid kamida saldhigyada ciidanka Melleteriga Kenya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items