Maxkamad islaami Ah oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay Rag Xatooyo Geystay Gudaha Degmada Tayeegloow.

Thursday May 18, 2017 - 12:05:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Maxkamad islaami Ah oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay Rag Xatooyo Geystay Gudaha Degmada Tayeegloow.

    Maxkamadda ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay ruux muslim ah oo fal xatooyo ah ku kacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay ruux muslim ah oo fal xatooyo ah ku kacay.

Fagaara kuyaal magaalada Tayeegloow ee gobolka Bakool waxaa saaka aroortii ka dhacay xukun gacan goyn ah waxaana lagu fuliyay Nin tuug ahaa oo goob ganacsi jabsaday.

Qaadiga Maxkamadda wilaayada Bay iyo Bakool oo xukunka gacan goynta ah akhriyay ayaa sheegay in labo nin oo lagu kala magacaabo 1-Aadan Muxamed Nuur oo 42 Sano jir ah  2-Isxaaq Aadan Xasan oo 23 jir ah kuwaasi oo jabsaday dukaan ku yaala Tiyeeglow kana baxsaday lacag dhan Labo iyo Toban Milinyan oo Shilin Somali ah.


Waa markii ugu horraysay oo xukun gacan goyn ah uu ka dhaco degmada Tayeegloow tan iyo markii laga xureeyay ciidanka gumeysiga Itoobiya.

Magaalooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya oo maamullo islaami ah kajiraan waxaa si dhameystiran loogu tadbiiqiyaa ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Malaayiin qof oo ku hoos nool maamullada islaamiga ah ee dalka Kajira ayaa ku naaloonaya ammaan iyo kala dambeyn ay ku heleen ku dhaqanka shareecada Islaamka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items