Markii Ugu Horraysay Itoobiya oo Aqoonsi Dowladnimo Umuujisay Maamulka 'Somaliland'.

Thursday May 18, 2017 - 11:31:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Markii Ugu Horraysay Itoobiya oo Aqoonsi Dowladnimo Umuujisay Maamulka 'Somaliland'.

    Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah dowlad madax banaan ugu aqoonsatay maamulka isku magacaabay 'Somaliland' oo larumeysanyahay in looga arrimiyo magaalada Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah dowlad madax banaan ugu aqoonsatay maamulka isku magacaabay 'Somaliland' oo larumeysanyahay in looga arrimiyo magaalada Addis Ababa.

Go’aan umuuqday mid Rajja Beel gelinaya Max’med Cabduullaahi Farmaajo ayay Itoobiya soo saartay iyadoona Jamhuuriyad madax banaan ku tilmaantay Somaliland!.

War qoraal ah oo kasoo baxay qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay hambalyo ku aaddan 18,May ay udirayso maamulka Axmed Siilaanaayo.

Berha Tesfay oo ah qunsulka Itoobiya ee magaalada Hargeysa ayaa warkan qoraalka ah soo saaray isagoo muujinayay in dowladdiisu ay Jamhuuriyad madax banaan u aqoonsantahay ‘Somaliland’.


qoraalka ayaa lagu yiri "xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada wadan wuu sii socan doonaa waana sii adkaan doonaa”.



"Waxaa jecelahay inaan si diiran ugu hambalyeeyo shacabka iyo dowladda Somaliland, maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May" ayaa lasii raaciyay qoraalka itoobiya kasoo baxay.

 Warka kasoo baxay qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa ayaa si aan gambasho laheyn loogu muujinayay in ‘Somaliland’ tahay Jamhuuriyad, warkan ayaa banaanka soo dhigaya sida Itoobiya ay ukala qeybisay dalweynaha Soomaaliya oo ay ka dhisatay maamullo iyada ucaysan.

"waxaan jeclaan lahaa in aan fursaddan 18,May uga faa’iideysto una Rajeeyo Jamhuuriyadda Somaliland Barwaaqo iyo horumar” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Berha Tesfay.

Aqoonyahano iyo Falanqeeyayaal Soomaaliyeed ayaa aaminsan in dowladda Itoobiya ay 6 madaxweyne oo Soomaaliya ka jirta mid walba si gooni ah ula macaamisho!.

R/wasaaraha Itoobiya oo isbuucyo ka hor Addis Ababa ku qaabilay Farmaajo ayaa yiri "Majecli mana ogolaan karo in madaxda maamullada Federaalka Itoobiya ay dibadda aadaan oo sidii madaxweyne loosoo dhoweeyo!.

Kumanaan katirsan ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa qabsaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya iyadoona Itoobiyaanku hubka isugu dhiiba qabaa’illada Soomaaliyeed si colaadaha iyo fitnada ay dalka ugu baahaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items