Osteriya Oo Mamnuucay in haweenka Muslimaadka ah ay indha shareerka ku xirtaan goobaha dadweynaha.

Thursday May 18, 2017 - 12:03:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Osteriya Oo Mamnuucay in haweenka Muslimaadka ah ay indha shareerka ku xirtaan goobaha dadweynaha.

    Dowladda Wadanka Osteriya ee ku taalla bartamaha Qaaradda Yurub ayaa gebi ahaanba mamnuucday in hablaha Muslimaadka ah ay indha-shareerka ku qaataan goobaha dadweynaha, waxaana tani ay ka dambeysay maalin uun kadib markii Golaha Baarlamaanka dalkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Wadanka Osteriya ee ku taalla bartamaha Qaaradda Yurub ayaa gebi ahaanba mamnuucday in hablaha Muslimaadka ah ay indha-shareerka ku qaataan goobaha dadweynaha, waxaana tani ay ka dambeysay maalin uun kadib markii Golaha Baarlamaanka dalkaasi uu isku raacay go'aankani, kaasi oo dhaqan galkiisa uu billaabayo horraanta bisha October ee soo socota.



Sharcigani lagu mamnuucay Xirashada Niqaabka waxa uu qeyb ka yahay Sharciyo ay dowladdu ku dooneyso inay kaga hortagto in dadka soo galootiga Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi ay ku dhex milmaan dadka Nasaarada ah, waxaana sidoo kale go'aamadani taageeray laba ka mid ah Xisbiyada ku mideysan Xukuumadda dalkaasi ka talisa.



Haweenka Muslimaadka ah ee ku nool dalka Osteriya ee khilaafa Sharcigan ayaa muteysan doona ganaax lacageed oo dhan 150 Yuro oo u dhiganta (166 Doolar) oo lacagta Mareykanka ah, iyadoona arrintani ay si weyn u dhaliileen Xisbiyada midigta fog ee dalkaasi, iyagoona sheegay in ganaaxaasi uusan aheyn mid u qalma in lagu qaado dadka jebiya Sharcigaasi.

Goobaha dadweynaha ay isugu yimaadeen ee laga mamnuucay Xirashada Niqaabka waxaa ka mid ah gaadiidka ay dadweynuhu raacaan, Iskuulaadka, Jamaacadaha, Isbitaallada iyo Maxkamadaha Dowladda.

Jaaliyadda Muslimiinta ah ee ku nool dalka Osteriya ayaa si weyn u dhaliilay tallaabta ay Xukuumaddu ku meel marisay go'aanka uu Baarlamaanku gaaray, waxayna sheegeen in arrintani ay dhaawac xooggan u geysan doonto Xorriyadda ay lahaayeen dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku nool.

Dalka Osteriya waxaa ku nool ku dhawaad Lix boqol oo kun oo Muslimiin ah, waxaana dadka heysta Diinta islaamka ay dalkaasi ka yihiin 7% sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay Dowladda.

Waddamo ay ka mid yihiin Faransiiska, Holland, Biljamka iyo dowlado kale oo ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa horey usoo gaaray go'aanno kan la mid ah, waxaana tani ay qeyb ka tahay Mowjadaha islaam naceybka ah ee kusii fidiya Waddamada reer galbeedka.

Related Items