Daawo Video: Al-Kataa'ib Oo Baahisay Fariinta Mid Ka Mid Ah Maxaabiistii Lagu Qabtay Dagaalkii Ceelcadde.

Thursday May 18, 2017 - 14:05:59 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Al-Kataa'ib Oo Baahisay Fariinta Mid Ka Mid Ah Maxaabiistii Lagu Qabtay Dagaalkii Ceelcadde.

    Mu'asasada Al-Kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaal video ah oo uu ka soo muuqanayo Maxbuus dagaal oo Kenyaati ah kaas oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii lagu xasuuqay ciidamada Kenya ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-Kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaal video ah oo uu ka soo muuqanayo Maxbuus dagaal oo Kenyaati ah kaas oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii lagu xasuuqay ciidamada Kenya ee sanadkii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Wilaayada Gedo.


Muuqaalkan oo la daawan karo muddo 4 daqiiqo ah waxaa ka soo muuqanaya Alfred Danyi Kilasi oo fariin qeylo-dhaan ah u diraya dowladiisa, Shacabkiisa iyo Ehelkiisa, Wuxuuna ka dalbaday in ay juhuudooda isugu geeyaan sidii ay xuriyadooda ku heli lahaayeen.

"Lagasoo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ahna kama helin dowladeena. Ma aanan heli wax caawin ah haba yaraatee sidaas darteed waxaan shacabka Kenya ka codsaneynaa in ay u midoobaan arinteena, una raadiyaan xal lagu soo afjarayo Mushkiladda na heysata” ayuu yiri.



Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Waxaan ku leeyahay madaxda Kenya Halkee baad ka baxdee? Waad ogtihiin waxaan ku dhibaateysanahay halkan Soomaaliya ah, aad ayaana ugu baahanahay caawintiina. Sanadkan aan hadda ku jirno waa sanad doorasho sidaas darteed waxaan idinka codsaneynaa ka hor inta aadan u dhaqaaqin doorashooyinka, in aad raadisaan micna kasta ama qaab kasta oo aad nagu bad-baadin kartaan”.

Alfred ayaa ugu dambeyntii fariin u diraya madaxweynah dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaas oo uu ka dalbanayo in uu dadaal xoogan ku bixiyo sidii ay xuriyadooda ku heli lahaayeen, Wuxuuna tilmaamayaa in isaga uu ahaa ninka siiyey amarka ay ku soo aadeen Soomaaliya.

"Waxaad ahayd hogaamiyaha Kenya laga soo bilaabo markii nala keenay Soomaaliya ilaa hadda. Waxaan kaa codsaneynaa in aad na caawiso oo aad raadiso wadda aad nooga bixin karto xaaladda maxbuusnimo ee aan ku jirno. Qoysaskeena aad ayey nooga fog yihiin, mana ka warheyno” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Maxbuuskan ayaa sheegay in xaalad adag ku heysato xabsiga islamarkaana ay mararka qaar ay dareemayaan murugo daran balse aysan garan Karin wax ay sameeyaan Madama ay yihiin dad la heysto oo Maxaabiis ah.

Alfred Danyi Kilasi ayaa ah nin aanan horay kaga soo muuqan Kaamirada Al-Kataa’ib, Waxaana Video-gan uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee uu ka soo muuqdo tan iyo markii uu ku dhacay gacanta Al-Shabaab 15-kii January ee sanadkii 2016-ka.

Halkan ka daawo Viedo-ga Facebook




Source: Alkata'ib Media


 

Related Items