Ciidamada Taliban oo Dagaal Kula Wareegay Magaalo Dhacda Bariga Afghanistan.

Saturday May 20, 2017 - 08:50:11 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Taliban oo Dagaal Kula Wareegay Magaalo Dhacda Bariga Afghanistan.

    Kadib weeraro culus oo ay ciidamada Xarakada Islaamiga Taliban ku qaadeen gobolka Ghazni ee dhaca Bariga Afghanistan ayay ugu suurtagashay in ay qabsadaan magaalo muhiim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib weeraro culus oo ay ciidamada Xarakada Islaamiga Taliban ku qaadeen gobolka Ghazni ee dhaca Bariga Afghanistan ayay ugu suurtagashay in ay qabsadaan magaalo muhiim ah.

Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa xaqiijinaya in ciidamada xukuumadda Dabadhilifka Kaabuul lagala wareegay degmada Waagid ee istiraatiijiga ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu dagaal culus kadib ay gacanta ku dhigeen dhammaan xarumaha maamulka degmada iyo saldhigyo melleteri.


Wuxuu sheegay in ciidamada cadawga ay isaga firxadeen magaalada wuxuuna dagaal culus ka socdaan magaalada xarunta u ah gobolka Ghazni.

Taliban ayaa bishii lasoo dhaafay qabsatay dhowr magaalo tan iyo markii ay iclaamisay olole dagaaleedka xilliga guga ee loogu magac daray Al-Mansuuriyah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items