Sawirro: Sidaan ayay dowladda Turkiga U horumarisay waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Saturday May 20, 2017 - 11:43:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sidaan ayay dowladda Turkiga U horumarisay waddooyinka Magaalada Muqdisho.

    Sanaddii 2011 ayay dowladda Turkiga Faragelin dhanka dhaqaalaha iyo akhlaaqda ah kusoo sameysay dalka Soomaalida iyadoo xilligaasi ku marmarsiyoonaysay ugurmashada dadkii ay abaartu halakaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanaddii 2011 ayay dowladda Turkiga Faragelin dhanka dhaqaalaha iyo akhlaaqda ah kusoo sameysay dalka Soomaalida iyadoo xilligaasi ku marmarsiyoonaysay ugurmashada dadkii ay abaartu halakaysay.



Wixii xilligaas ka dambeeyay dowladda Turkiga ayaa si tartiib tartiib ah ula wareegaysay kaabayaasha dhaqaalaha wadanka waxayna gacanta ku dhigtay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho iyo dekadda oo lacago malaayiin dollar ah ay ka gurtaan shirkado Turkiga laga leeyahay.

Madaxda Turkiga oo booqashooyin xiriir ah ku tagay Muqdisho waxay sheegeen in ay dayactir ku sameeyeen waddooyinka caasimadda islamarkaana ay fuliyeen mashaariic horumarineed!.



Wuxuu ahaa qorshe lagu dhagrayay shacabka Soomaaliyeed ujeedkuna ahaa sidii loola wareegi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirkadaha Turkiga ayaa laami tayadiisu liidato ku dayactiray waddooyinka balse marwalba oo xilli roobaadka lagaaro waxaa banaanka usoo baxa fadeexadda dhismaha waddooyinka Turkigu dhisay.

Inta badan waddooyinkii shirkadaha Turkiga dhiseen ayaa burbura oo marwalba dib ayaa dayactir lkale ooga sameeyaa.

Ingijneerro soomaaliyeed ayaa sheegaya in taasi sabab u tahay maadooyinka ay ka sameysanyihiin shamiintada iyo laamiga ay  shirkadaha Turkiga isticmaalaan oo ah kuwa liito oo aan wax taya ah laheyn.

Hoos Ka Daawo sawirrada Burburka waddooyinka Muqdisho







Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items