Maxkamadda Islaamiga Wilaayada Galguduud oo Fulisay Xukuno Qisaas iyo Xadu Zina Ah.

Sunday May 21, 2017 - 08:52:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Islaamiga Wilaayada Galguduud oo Fulisay Xukuno Qisaas iyo Xadu Zina Ah.

    Maxkamad islaami ah oo kutaal gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa fulisay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiigle fal dil ah horay ugeystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad islaami ah oo kutaal gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa fulisay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiigle fal dil ah horay ugeystay.


Xukunka dilka Qisaasta ah ayay maxkamadda Islaamiga ah ee Galgaduud ku fulisay wiil dhalinyaro ah oo horay qof shacab ah ugu dilay deegaan Hoos yimaad magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga wilaayada Galguduud ayaa xukunka ka akhriyay goob fagaara ah, eedaysanaha lasoo dacweeyay oo lagu magacaabi jiray Saciid Max'med Faarax ayay ku caddaatay in uu dilay Nin xoola dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Cilmi Max'med Sugulle.



Dadkii lahaa dhiigga ninka ladilay ayaa dalbaday in loo qisaaso sidaas ayaana lagu qisaasay Saciid Max'med Faarax.

Ehellada loo qisaasay gacan ku dhiiglaha oo iyana goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin xukunka qisaasta ah, mas'uuliyiin ka hadashay madashii xukunka dilka ah ka dhacay ayaa uga baaqay dadka ku dhaqan Galguduud in ay ka waantoobaan dilalka islamarkaana qofkii si kas ah qof kale u dila sharciga islaamka lamarin doono.

Dhinaca kale isla maxkamadda islaamiga Galguduud ayaa xukun Xadu Zina ah ku fulisay laba qof dhalinyara ah oo  zino galay iyagoo heshiis ku ah.

Ubax Xassan Muuse oo 17 sana jir ah iyo Abshir Max’med Cumar oo 20 sana jir ah ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay in ay iska zineysteen iyagoo aan guur horay usoo marin sidaas daraadeed ayay Maxkamaddu ku xukuntay in mid walba lagu dhufto 100 Jeydal islamarkaana muddo sanada ah laga masaafuriyo deegaanka ay Zinada ku sameeyeen.

Balse Maxkamadda ayaa dib u dhigtay 100-ka Garbaash ee lagu xukumay Gabdha zinada gashay inta ay ka dhalayso maadaama ay leedahay Uur 6 bilood illaa iyo 7 bilood ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com


Related Items