Daawo Vedio: Bashiir Axmed Salaad "Waxaa Naga Guuxaya War jira oo Ah Diinta Meel hallayska Dhigo".

Monday May 22, 2017 - 19:05:19 in Wararka by
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Vedio: Bashiir Axmed Salaad "Waxaa Naga Guuxaya War jira oo Ah Diinta Meel hallayska Dhigo".

    Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Ururka Al-Ictisaam ee wadashaqeynta laleh maamullada Soomaaliya kajira iyo ciidamada shisheeye ayaa markii ugu horraysay warbaahinta ka sheegay in dowladda Federaalka aysan shareecada Islaamka ku dhaqmin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Ururka Al-Ictisaam ee wadashaqeynta laleh maamullada Soomaaliya kajira iyo ciidamada shisheeye ayaa markii ugu horraysay warbaahinta ka sheegay in dowladda Federaalka aysan shareecada Islaamka ku dhaqmin islamarkaana ay jiraan oraaho ah in shareecada meel layska dhigo!.

in Meesha shareeca oolin oo Fisqi iyo diin darro taal waa waxa ay kumanaan qof oo isugu jiro culimo, dhalinyaro iyo odayaal duurka ugu jiraan ayna hubka uqaateen balse wadaada xumayaasha kaba qaadka u ah shisheeyaha markii wajigoodu Feydmay ayay  afka furanayaan.


Bashiir oo kalimad ka Jeediyay munaasabad ka dhacday Hoteelka SYL ee kaabiga ku haaya Villa Somalia ayaa muujiyay sida uu uga walaacsanyahay gaabiska ku yimid hana qaadka DF-ka waxaana kalimadda Bashiir laga dhadhansanayaa in Ictisaam ay xaalad Jiha wareer ah ku suganyihiin.


"waxaad mooddaa marka waxaa naga dhax guuxaya diinta yaan laga tagin oo war jira ah iyo warkale oo ah diinta meel halayska dhiga oo isna ah warkale oo jira...maxaa yeelay qofka soomaaliga ah adduunka waxa ka jira waa ka war qabaa, marka mafaahiimtii iyo aragtidii adduunka taallay ayaa naga dhax guuxaysa walina intaan isku nimid lagama go’aan gaarin oo umadda meel looma tilmaamin” ayuu yiri Bashiir Axmed Salaad.
 
Arrinkaas Sheekh Bashiir been ayuu ka sheegay sababtoo ah dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ee uu ka tirsanyahay umadda meel way utilmaameen oo waxay ujeexeen dariiq ah qaadashada dimuquraadiyadda iyo in aan lagu dhaqmin shareecada Islaamka, dastuurka Dowladda Federaalka wuxuu dhigayaa in ragga iyo dumarka simanyihiin oo waxaa la ogaa falkii foosha xumaa ee sanaddii 2016 ay ku dhaqaaqday wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xeerka Jinsiga ay meel mariyeen golaha wasiirrada sidaas ayayna dowladdu ku go’aamisay in sharciga islaamka meel iska dhigto oo midkii gaalada qaadatay waliba ay dadaal ugu jirto in shacabka Soomaaliyeed ay ku ebtalayso.

Hoggaanka Ururka Al-Ictisaam oo todobadii sanadood ee lasoo dhaafay bulshada Soomaaliyeed ku khaldayay in aysan katirsanayn DF-ka iyo maamullada shisheeyaha la shaqeeya ayaa hadda si cad u qiray in ay qeyb ka yihiin isbahaysiga Ballaaran ee ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada, isbahaysigaas oo dagaal dhanka dhaqaalaha,akhlaaqda iyo melleteriga ahba kula jira maamullada islaamiga ah ee ka dhisan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wadaadkan Jiha Wareersan isma oga in uu qeyb ka yahay kuwa Mareykanku sida eeyaha oo kale ay ugu ugaarsanayo ee qeybta ka ah Xamlada loogu magac daray "ladagaallanka Argagaxisada"

"Takale waxaaye oo waxaa ka dhashay marka waxaa noo caddaa waayay waxa aan rabno maxay yihiin waa noo caddaan waayday, hadda mathalan nimanka shabaabka ah ee diinta sida xun xun ufasiraya ama uadeegsanaya oo in aan ladagaallano ay naga go’antahay waxaan ladagaalamayna xataa nooma cadda, waxaan ladagaallamaynaa maxay yihiin nooma cadda? Waxaan diidaynaa maxay yihiin nooma cadda? Xataa cadawga aan la dagaallamaynaa Aragtidiisa lagama midaysna,dadka qaar shabaab waa wadaado gar leh bay ku leeyihiin marka dad aan garanayn cadawgiisa meesha uu kajiro sidee udagaallami karaan?” Sheekh Bashiir ayaa su’aalahaas isweydiiyay.

Sidoo kale Hoggaamiye Bashiir Axmed Salaad oo hadda umuuqda siyaasi uhanqal taagaya in uu kamid noqdo lataliyaasha madaxda DF-ka ayaa quus ka muujiyay sida ay iskula jaan qaadi la'yihiin waxa ay sheeganayaan iyo waxa ay yihin wuxuuna soo sardiyay khaladaad dhowr ah oo dowladda Federaalka ay wajahayso.

Bashiir ayaa dadkii uu la hadlayay u sheegay in uu jiro jiha wareer ah in uusan jirin hadaf cad oo ku saabsan waxa ay kula dagaallamayaan Al Shabaab waxaana nuxurka hadalkiisa laga dareemayaa jiha wareer  dhan walba kasoo wajahay wadaada xumayaasha kaba qaadka u ah soo duulayaasha shisheeye.

"wali daalika waxaa weeye siyaasadeena warbaahinta nooma saxsana mathalan dadka waxa aan usheegayno, dadka yaan u ammaanaynaa dadka yaa loo caayayaa nooma cadda..mar sheikh baa lakeenayaa oo dadka wacdiya oo diintaa laga hadlayaa mar gabar heesaysa oo qaawan baa lakeenayaa oo halkaas is ruxaysa, keebaa sax ah marka labadooda?, keebaan rabnaa keebaan diidanahay makala cadda.. marka waxaa weeye dad siyaasadooda iyo balaynkooda warbaahintu aysan saxsanayn, balaynkooda tacliintu aysan saxsanayn waxay ay doonayaana aan garanaynin dadkaasi meel magaari karaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Bashiir.

Hoggaamiyaha Ururka Ictisaam ayaa ku hadaaqaya "dadka yaan ucaaynaa yaanse u faafinaa nooma cadda", waa arrin su'aal badan ka dhax dhalinaysa saraakiisha Ururkaan.

Sidaas ayay ku dambeeyeen kuwii culimada sheeganayay ee markii ay saaxada siyaasadda Soomaaliya kusoo biirayeen halku dhig iyo boor ka dhigtay "Ka hortagga Ghuluwiga iyo kuwa talatagga diimeed”, halku dhiggaas ayaa isku bedelay mid lagula saftay cadowga diinka iyo dalka.

Haddii Rabbi Idmo waxaan idiinsoo bandhigi doonaan Muuqaallo kale oo ku saabsan Hoggaamiyaha Ictisaam oo meel xun fadhi noqday jiha wareerna muujinaya.

Halkan ka daawo Video ama Guji Halkan.



Warfaa Kheyrdoon Qoraa Madax Banaan
Email Warfaakheyrdoon@hotmail.com

Related Items