Video: Ururka Xamaas Oo Xukun Daldalaad Ah Ku Fuliyay Jawaasiis U Shaqeynayay Sirdoonka Yahuudda.

Monday May 22, 2017 - 19:00:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Video: Ururka Xamaas Oo Xukun Daldalaad Ah Ku Fuliyay Jawaasiis U Shaqeynayay Sirdoonka Yahuudda.

    Ururka Xamaas ee ka dagaallama dhulalka gumeysiga ku jira ee Filasdiin gaar ahaan magaalada ghaza ayaa ku dhawaaqay in ay khaarijiyeen kooxihii Jawaasiista ahaa ee dilay hoggaamiye sare oo kooxdaasi katirsanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mazin Fuqahaa ayaa March,2017 lagu dilay magaalada Ghaza
Ururka Xamaas ee ka dagaallama dhulalka gumeysiga ku jira ee Filasdiin gaar ahaan magaalada ghaza ayaa ku dhawaaqay in ay khaarijiyeen kooxihii Jawaasiista ahaa ee dilay hoggaamiye sare oo kooxdaasi katirsanaa

Fagaarayaasha waaweyn ee magaalada ghaza shalay waxaa gilgilay iskusoo baxyo iyo dad xamaasadeysan kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in ladilay kooxihii khwanada ahaa, wasaaradda arrimaha gudaha maamulka ghaa ayaa warbaahinta u xaqiijisay in xukun daldalaad ah uu dhacay.

Maxkamad melleteri ayaa xukun dil ah ku fulisay sedax Jaasuus oo u shaqeynayay maamulka Yahuudda sahyuuniyadda, afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in xukunku uu dhacay shalay, dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in sedaxda jawaasiista ah ee ladilay laba kamid ah ceego lagu dilay kadib markii xarig qoorta loo suray halka jaasuuska kale rasaas madaxa looga sharnaqay.


Mas’uul u hadlay ururka Xamaas ayaa ku goodiyay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan kooxaha jawaasiista ah isagoo Yahuudda sahyuuniyadda u sheegay in aanay nabad ku noolaan doonin dhagar qabayaasha ay caloosha usoo buuxiyeen si ay uxasuuqaan shacabka muslimiinta ah.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in maxkamadda xukunka dilka ah ridday maalmo yar ka hor uun ladhisay waxaana loogu talagalay in ay disho jawaasiista.

Laamaha Ammaanka ayaa horay ugu dhawaaqay in ay gacanta kusoo dhigeen jawaasiis taabacsanaa sirdoonka dibadda Yahuudda ee Musaadka loo yaqaan kuwaasi oo koonfurta Ghaza ku dilay bishii Maarso Maazin fuqahaa oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee xamaas.

Hoos Ka Daawo Video


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items