Video+Sawirro: Al Shabaab oo Tababar Usoo Xirtay Boqolaal Ciidamo Muhaajiriin Ah.

Thursday June 29, 2017 - 14:06:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 3
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Al Shabaab oo Tababar Usoo Xirtay Boqolaal Ciidamo Muhaajiriin Ah.

    Mu'asasada Al-kataa'ib ee garabka warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa soo saartay filim cusub oo lagusoo bandhigayo ciidamo tababar loosoo xiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-kataa'ib ee garabka warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa soo saartay filim cusub oo lagusoo bandhigayo ciidamo tababar loosoo xiray.


 

Filimka oo la daawan karo muddo 15 Daqiiqo ah waxay mu’asasada kusoo bandhigtay munaasabad lagu soo gaba gabeynayay Mucaskar u furnaa dagaalyahanno Muhaajiriin ah kuwaas oo tababaro casri ah ku qaatay xeryaha tababarka ee xarakada Al Shabaab ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya.

Filimka ayaa ku bilaabanayo dhoola tus ay sameynaayan Ciidamada Muhaajiriinta ee tababarka melleteri soo dhammaystay.



Sheekh Cali dheere oo Ah Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ciidamada ujeedinaya kalimad muhiim ah isagoo ka qisaynaya dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee ay soo mareen muslimiinta Bariga qaaradda Afrika gaar ahaan Kenya iyo Soomaaliya.

Ku Daawo Facebook si toos ah




 
















Related Items