Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa Farmaajo kusoo dhoweeyay
garoonka diyaaradaha Jabuuti, socdaalka Farmaajo oo ah midkii 9-aad ee uu
dibadda ku aado tan iyo markii madaxweyne loo doortay ayaa salka ku haaya ka
qeyb galka munaasabad lagu furayo Dekad cusub.
Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Geelle iy Farmaajo ayay uga hadleen duullaanka
ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya, Farmaajo ayaa Ismaaciil
Cumar Geelle uga mahad celiyay kumanaanka askari ee uu uga qeyb qaatay duullaanka
Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay madaxtooyada Jabuuti ayaa warbaahinta u sheegay in labada mas’uul
ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo
Arrimo kale.
Waa Socdaalkii sedaxaad ee Hoggaamiyaha
DF-ka uu ku tago wadamada dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo kumanaan katirsan
ciidamadoodu ay qabsadeen dalka Soomaaliya iyagoo wakiillo ka ah dowladaha reer
galbeedka.
Farmaajo ayaa horay u booqday magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi isagoo
halkaasi kula kalumay madaxweynayaasha Itoobiya iyo Kenyan wuxuuna ka codsaday
in ciidamadoodu aysan isaga bixin Soomaaliya.
Farmaajo oo Booqashadii 9-aad Ee Uu Dibadda Ku Aado Ku Tagay Wadanka Jabuuti.
Max'med Cabdullaahi Farmaajo Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray wadanka Jabuuti oo ay ka jirto xukuumad dabadhilif u ah dowladaha reer galbeedka.