Al-Bashiir iyo Alsiisi Oo Eedaymo Kulul Hawada isku Mariyay Kadib Duullaankii Daarfoor.

Wednesday May 24, 2017 - 17:57:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Bashiir iyo Alsiisi Oo Eedaymo Kulul Hawada isku Mariyay Kadib Duullaankii Daarfoor.

    Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Suudaan iyo Masar kaasi oo salka ku haaya deegaanno dhaca soohdin beenaadka labada dal ay wadaagaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Suudaan iyo Masar kaasi oo salka ku haaya deegaanno dhaca soohdin beenaadka labada dal ay wadaagaan.



Cumar Xasan Al Bashiir madaxweynaha Suudaan ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Masar in ay taageero dhan walba ah u fidisay kooxaha fallaagada ah ee dhowaan weerarka ku qaaday gobollo Wadankaasi katirsan.

Al Bashiir ayaa warbaahinta afka dowladda ku hadasha u sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo saanado hub ah oo dowladda Masar ay kusoo hubeysay fallaagada mucaaradka ah ee duullaanka ballaaran ku qaaday gobolka Daarfoor.



Afhayeen u hadlay xukuumadda Al-khurduum ayaa isna xaqiijiyay in kooxihii duullaanka ku qaaday gobolka Daarfoor lagasoo hubeeyay wadamada Liibiya,Koonfurta Suudaan iyo Masar.

Dhinaca kale C/Fataax Alsiisi madaxweynaha Masar ayaa beeniyay eedaynta uga timid dhanka Masar wuxuuna sheegay in haba yaraatee aysan qaadin tallaab halis ku ah Suudaan "Masar waligeed kuma dhaqaaqin tallaab cadowtooyo oo ka dhan ah dariskeeda, warka eedaynta ah ee nooga yimid walaalaha Suudaan ma ahan mid sax ah” ayuu yiri Alsiisi.

Khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ayaa salka ku haaya isbahaysiyo siyaasadeed oo kajira mandiqadda geeska Afrika ah gaar ahaan qeybsiga biyaha wabiga Niil kadib markii Suudaan ay lasafatay dowladda Itoobiya oo heer gaba gaba ah uu u marayo biya xireenka Al-Nahda oo Masar ay aaminsantahay in lagu leexinayo Biyaha Wabiga Niil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items