Farmaajo oo Booqashadii 10-aad Ku Tagay Magaalada Dooxa.

Thursday May 25, 2017 - 10:14:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Booqashadii 10-aad Ku Tagay Magaalada Dooxa.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa markale socdaal ku tagay mid kamida wadamada gacanka Carbeed maalmo kadib oo uu safarro ku tay dalka dibaddiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa markale socdaal ku tagay mid kamida wadamada gacanka Carbeed maalmo kadib oo uu safarro ku tay dalka dibaddiisa.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka degay garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Dooxa ee wadanka Qadar waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Qadar.

War kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu sheegay in socdaalkan uu yimid kadib martiqaad uu ka helay Tamiim Bin Xamad oo ah Amiirka dowladda Qadar, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Qadar ay Farmaajo kala hadlayso ajandayaasha Dooxa ay ka leedahay dalka Soomaaliya gaar ahaan isfidinta dowladda Imaaraatka Carabta ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.


Dowladda Qadar ayaa la rumeysanyahay in kaalin weyn ay ku laheyd doorashadii Farmaajo ee bishii Feberaayo 2017 madaxweynaha DF-ka loo doortay.

Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda Qadar ay lacago malaayiin dollar ah siisay Ololihii doorashada Farmaajo lacagtaas oo lagu laaluushay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ugu dambeyntiina Farmaajo u doortay Madaxweyne.

Dowladda Qadar ayaa horay umaal gelisay Xasan Sheekh Maxamuud Hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka, waa safarkii 9-aad ee uu dibadda ku aado Farmaajo muddo sedax bilood gudahood ah waxaana beenoobay ballanqaad uu horay usameeyay oo ahaa in uu yarayn doono safarrada dibadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items