Q.Midoobe Oo Walaac Ka Muujisay Awoodda Sii Xoogeysanaysa Ee Xarakada Al Shabaab.

Sunday May 28, 2017 - 12:06:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobe Oo Walaac Ka Muujisay Awoodda Sii Xoogeysanaysa Ee Xarakada Al Shabaab.

    War kasoo baxay waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay halis ku tahay danaha dowladaha shisheeye iyo maamullada la shaqeeya 'Beesha Caalamka' ee kajira dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay halis ku tahay danaha dowladaha shisheeye iyo maamullada la shaqeeya 'Beesha Caalamka' ee kajira dalka Soomaaliya.

António Guterres oo ka hor hadlayay xubnaha joogtada ah ee Golaha ammaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay sare uqaadday weerarada jihaadiga ah oo ay ku beegsanayso ciidamada AMISOM, shaqaalaha UN-ka iyo dhammaan maamullada ay taageerto Q.Midoobe.

Wuxuu sheegay in sanaddan 2017 ay Xarakada SHM kordhisay weerarada oo ay gaarsiisay 47% marka loo eego sanaddii 2016.

"Inkasta oo Soomaaliya ay horumar dhanka siyaasadda ah ku tallaabsatay hadane khatarta Al Shabaab waa sii xoogaysanaysaa” ayuu yiri António Guterres oo ah Xoghayaha guud ee Ururka Q.Midoobe.


Hoggaanka Xarakada Al Shabaab ayaa ku goodiyay in ay sii wadayaan dagaalka inta ay dalka Soomaaliya isaga baxayaan ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa AMISOM.

Warkan kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Q.Midoobe ayaa imaanaya xilli uu fashilmay dagaal uu Farmaajo ku iclaamiyay Xarakada Al Shabaab oo ku sheegay in 60 maalmood uu kusoo gaba gabeynayo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items