Jamaacada Jihaadiga Ansaaru Shareecah Liibiya oo lakala Diray Warbixin.

Monday May 29, 2017 - 19:13:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaacada Jihaadiga Ansaaru Shareecah Liibiya oo lakala Diray Warbixin.

    Mid kamida xoogagii Jihaadiga ahaa ee ugu awoodda Badnaa wadanka Liibiya ayaa kala dirtay kadib 5 sanadood oo ay dagaal ka wadday Bariga iyo bartamaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ansaaru shareecah ayaa lagu aas-aasay Banghazi sanaddii 2012
Mid kamida xoogagii Jihaadiga ahaa ee ugu awoodda Badnaa wadanka Liibiya ayaa kala dirtay kadib 5 sanadood oo ay dagaal ka wadday Bariga iyo bartamaha wadankaasi.



Kooxda islaamiga Ansaaru shareecah ee ka dagaallamaysay wadanka Liibiya ayaa la sheegay in lakala diray oo ay faarujisay saaxada dagaalka wadanka.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay kooxdii ansaaru shareecah ayay ku sheegtay in gabi ahaanba lakala diray, "Kadib masiiro xaafil ah iyo naf-hurnimo ay sameeyeen dhammaan hoggaamiyaasha Ansaaru shareecah iyo kawaadirteeda.. waxaan umadda iyo mujaahidiinta khaasatan Ehelkeena Liibiya u iclaaminayaa in lakala diray Jamaacada Ansaaru shareecah Liibiya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay jamaacadii ansaaru shareecah.



lama sheegin sababta rasmiga ah ee Ansaaru shareecah Liibiya loo kala diray balse bayaanka ayaa shacabka muslimiinta liibiya ugu baaqay in ay sii wadaan dagaalka Jihaadka ah islamarkaana aysan ogolaan in lagu maamulo wax aan ka aheyn shareecada Islaamka.

Ansaaru shareecah Liibiya ayay dowladda Mareykanka iyo Q.Midoobe waxay labaduba ku dareen liiska waxa loogu yeero Argagaxisada kadib markii sanaddii 2012 ay fulisay weerar lagu dilay qunsulkii dowladda Mareykanka ee magaalada Banghazi iyo sedax dublumaasi oo dhammaantood American ahaa.

Dowladaha reer galbeedka waxay sheegaan in Ansaaru shareeca Liibiya ay kamid aheyd faracyada Ururka Alqaacidda ee caalamka balse mas’uuliyiintii Ururka ayaan waligood arrinkaas xaqiijin ama diidin, Ansaaru shareecah Liibiya waxay awood melleteri iyo mid maamul ku laheyd magaalooyin ay kamidyihiin Banghazi iyo Darnah oo Bariga Liibiya dhaca, iyo Sabratah, Sirta oo dhaca galbeedka, markii lariday nidaamkii Mucamar alqadaafi ayay kooxdu la wareegtay saldhigyo melleteri iyo kaabayaal dhaqaale.

Weeraro dhanka cirka ah oo ay diyaarado Mareykan ah ka fuliyeen bariga Liibiya ayaa lagu dilay dhowr Hoggaamiye oo jamaacada katirsanaa, amiirkii ansaaru shareecah Sheekh Max’med Alzahaawi ayaa ku shahiiday dagaal ka dhacay Banghazi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items