Faah Faahin:Ciidamo loo Diyaarinayay Soo Dhoweynta Farmaajo oo Lagu Qarxiyay Magaalada Kismaayo.

Monday June 05, 2017 - 12:08:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Ciidamo loo Diyaarinayay Soo Dhoweynta Farmaajo oo Lagu Qarxiyay Magaalada Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara xooggan dhaliyay lala beegsaday mid kamida saldhigyada ciidanka maamulka Axmed Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara xooggan dhaliyay lala beegsaday mid kamida saldhigyada ciidanka maamulka Axmed Madoobe.

Qaraxa oo dhacay maanta barqadii ayaa lala beegsaday ciidamo Boolis iyo Baambeey ah xilli ay ku sugnaayeen saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan 5  Askari ay ku dhinteen qaraxa halka ku dhawaad 21 kale ay ku dhaawacmeen, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamada la qarixiyay lagu kulmiyay saldhigga dhexe si ay isugu diyaariyaan soo dhoweynta Farmaajo Hoggaamiyaha DF-ka oo lafilayo in berri uu booqdo Kismaayo.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaraha dhimashada uu sii kordhi karo saacadaha soo socda sababa la xiriira dhaawacyada qaar oo aad uliito, isbitaalka weyn ee Kismaayo ayaa loola cararay ciidamada ku dhaawacmay qaraxa.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada.

Magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku haaya ciidamo ka kala socda dowladaha gumeysiga Itoobiya iyo Kenya waxaana magaalada kajira maamul si toos ah awaamirta uqaata magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items