150 Qof oo Cudurka Shubanka Ugu Dhimatay Magaalada Muqdisho iyo Duleedkeeda.

Tuesday June 06, 2017 - 16:08:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    150 Qof oo Cudurka Shubanka Ugu Dhimatay Magaalada Muqdisho iyo Duleedkeeda.

    Cudurka shubanka ayaa fara ba'an ku haya kumanaan qof oo kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhaqaatiirta ayaa la tacaalaysa bukaanada
Cudurka shubanka ayaa fara ba'an ku haya kumanaan qof oo kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo hareeraheeda.

ilo wareedyo caafimaad ayaa SomaliMeMo u sheegay in ku dhawaad 150 qof uu cudurka shubanku ku dilay degmooyin katirsan gobolka Banaadir iyo deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Gubadleey.

Dhimashada ugu daran ayaa ka dhacday degmooyin ay kamid yihiin Yaaqshiid, Huriwaa iyo Kaaraan, dadka cudurka u dhintay ayaa ubadan haween iyo carruur balse cudurka ayaa si safmareen ah ugu dhacaya qeybaha kala duwan ee bulshada.


Dr.Cabdullaahi Carab oo kamid ah howlwadeenada caafimaadka gobolka Banaadir ayaa SomaliMeMo u sheegay in 3,500 oo qof ay cudurka shubanka lajiifaan isbitaallada iyo gooba caafimaad oo gaar loo leeyahay.

Isbitaallada Banaadir,Keysaneey iyo xarumo caafimaad oo kuyaal xaafadaha caasimadda ayaa lajiifiyay bukaanada uu soo ritay cudurka shubanka halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayo.

Cudurka oo si xowlli ah kusii fidayo ayaa saameyntiisa laga dareemayaa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir mana jiraan wax kaalma ah oo ay heleen dadka danyarta ah marka laga reebo hay’adda Gargaarka Hormuud oo isbitaallada qaar gaarsiisay dawooyinka fuuqbaxa ee ORS-ta loo yaqaan.




 Dad ku sugan deegaanada Garasbaaleey, Ceelasha Biyaha iyo Gubadleey ayaa wariyaha SomaliMeMo ee magaalada Muqdisho u sheegay in tobaneeyo qof ay cudurka u dhinteen halka boqolaal kale ay la jiifaan.

Xarunta Caafimaadka Dr.Xasan Yaaxoow ee degmada Yaaqshiid waxay noqotay meesha ugu badan ee lajiifiyo dadka uusoo ritay cudurka shubanka degmooyinka Kaaraan iyo shibis.

Agaasimaha isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho ayaa sheegtay in cudurku faraba ba’an ku haayo dadka goofleyd ah ee deggan Ceelasha Biyaha illaa iyo degmada Afgooye, howlwadeenada caafimaadka waxay sheegeen in daawo yari baahsan ay kajirto isbitaalka iyagoona umahad celiyay Hay’adda HF kaalmo daawo oo ay soo gaarsiisay.

Illaa iyo hadda dowladda Federaalka wax war ah kamasoo saarin cudurka shubanka ee sida xowlliga ah dadka ugu dhax faafaya iyadoo la ogyahay in muqdisho ay tahay magaalo weyn oo ay ku suganyihiin kumanaan hay’ado iyo Ururo sheegta ugar gaaridda shacabka Soomaaliyeed.

Bishii December 2016 ayuu cudurka shubanka ka dilaacay magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba xilligaas oo wadanka ay kajireen abaaro saameyn ba’an reebay, magaalooyin ay kamid yihiin Burco iyo Booramo oo katirsan gobollada waqooyi ayaa kamid ah meelaha uu cudurka shubanka dad badan ku laayay.

SomaliMeMo News Desk, Nairobi Kenya
[email protected]

Related Items