Sacuudiga iyo UAE Kadib Mauritania Oo Ku Dhawaaqday in Xiriirka Ujartay Dowladda Qadar.

Wednesday June 07, 2017 - 09:15:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga iyo UAE Kadib Mauritania Oo Ku Dhawaaqday in Xiriirka Ujartay Dowladda Qadar.

    Waxaa sii xoogeystay cadaadiska dhanka diblumaasiyadda ah oo ay dowladda Qadar kala kulmayso dhowr dowladood oo ay xulufo yihiin imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay cadaadiska dhanka diblumaasiyadda ah oo ay dowladda Qadar kala kulmayso dhowr dowladood oo ay xulufo yihiin imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mauritania ayaa lagu sheegay in cilaaqaadkii diblumaasiyadeed ay ujartay dowladda Qadar kadib markii lagu helay in ay qalqal gelinayso amniga qaranka dowladaha Carabta islamarkaana ay taageerayso waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’.

"Jamhuuriyadda Islaamiga Mauritania waxay adkeynaysaa wanaajinta cilaaqaadka dowladaha carabta balse nasiib darro Qadar waxay ka gudubtay dhammaan qawaaniinta dowladaha udagsan waxayna taageertay Argagaxiso iyo halis ay gelisay amniga dowladaha carabta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mauritania.


Xafiiskii Telefeshinka Al Jazeera ee magaalada Nowaakshoot ayaa albaabada loo laabay, dhinaca kale dowladda Urdun ayaa sheegtay in ay hoos u dhigtay xiriirkii diblumaasiyadeed oo ay lalaheyd dowladda Qadar.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in dhammaan dowladaha Carabta ee dhaqaalaha ka hela Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ay xiriirka ujari doonaan Qadar si ay qeyb uga noqdaan go’doominta lala damacsanyahay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items