Askar Lagu Dilay Degmada Afgooye iyo Weerar Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid.

Wednesday June 11, 2014 - 11:36:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Lagu Dilay Degmada Afgooye iyo Weerar Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid.

    Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo ay wateen ciidanka Dowladda Federaalka uu khasaara xooggan ka dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo ay wateen ciidanka Dowladda Federaalka uu khasaara xooggan ka dhashay. Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo ay wateen ciidanka Dowladda Federaalka uu khasaara xooggan ka dhashay.

Xalay fiidkii ayay xoogag hubeysan bambaano nuuca gacanta lagatuura ah ku weerareen gaariga waxaana ka dhashay khasaara ah dhimashada 3 askari iyo dhaawacyada 5 kale.

Waxyeello xoogan ayaa lasoo sheegayaa in gaariga ay ciidanka Dowladda Federaalka wateen ay soo gaartay,saraakiil u hadashay maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in ay sameeyeen baaritaanno ay ku dabagelayaan kooxaha weerarka geystay balse ay ku guuldareysteen.


Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidanka DF-ka ku leeyihiin Telefeshinkii hore ee kuyaal xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items